Soomaali qoxooti ah oo dhibaato ay ku haysto dalka Hong Kong (Warbixin)

Hong Kong (Caasimada Online) Dalka Hong Kong waxaa ku nool Soomaali badan kuwaasoo siyaabo kala duwan halkaas u tagay, balse dhammaantood waa Qoxooti.

Ibraahim Maxamed Xuseey Jeekeey waxa uu ka mid yahay  kumanaan qaxooti ah Afrikan ah oo qaar ka mid ah ay ka soo jeedaan Soomaaliya.

Wuxuu BBC-da uga warbixiyay xaalada Soomaalida ku nool dalkaas, wuxuu sheegay in ay ku nool yihiin xaalad aad u xun.

Halkaasi waxa ay soo galootiga kala kulmaan shaqo la’aan iyo waxbarasho la’aan, inkastoo ay haddana halkaa nolol ku haystaan.

“Waxaan ka soo cararnay Soomaaliya, annigoo ka mid ahaa wariyaasha halkaas ku noolaa, laakin halkan shaqo kama jirto, wax barashana ma jirto dadka dhib ayey kala kulmaan” ayuu yiri Ibraahim Jeekeey.

Mar la weydiiyay tirada Soomaalida ku nool dalka Hong Kong, wuxuu sheegay in ka badan 80 qof oo ay ku jiraan haween iyo carruur in ay ku nool yihiin dalkaas, isagoona intaa ku daray in nolasha maciishada .

Wuxu sheegay in maalinta Isniinta ay dibad bax ka dhigi doonaan xarunta hey’adda UNHCR ee Hong Kong si loogu sameeyo dib u dajin maadama aysan wax xaquuq ah ku heysan.

Wixii ka dambeeyay burburkii dalka Soomaaliya sannadkii 1991-dii, waxaa Soomaali badan ay ka carareen dalkooda iyagoona u baxsaday waddamada caalamka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com