Mas’uul maanta lagu toogtay Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa maanta barqadii waxa ay degmada Dharkeenkey ku khaarijiyeen guddoomiyo waaxeed ka tirsan degmadaas.

Marxuumka la dilay oo lagu magacaabi jiray Cali Xuseen Cismaan ayaa la dilay isagoo ku sii jeeda goobtiisa shaqo sidda uu saxaafada u sheegay guddoomiyaha degmada Dharkeenley Macalin Cabdulle Hillowle.

“Marxuumka saakay isagoo ku soo jeeda goobta shaqada ayaa waxaa dilay kooxihii wax dili jiray, waana ay baxsadeen” ayuu yiri guddoomiyaha.

Dilka kaddib waxaa goobta soo gaaray ciidamoka tirsan dowladda kuwasoo dhowr qof ka xir-xiray goobta dilka uu ka dhacay.

Degmada Dharkeenley waxa ay kamid tahaya degmooyinka ay ka dhacaan dilalka qorsheesan, mana jirto cid loo soo qabto.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com