28.8 C
Mogadishu
Tuesday, April 28, 2026

Amal Garaad oo 7 bilood kadib cabaneysa – Aaway ballantii R/W Xamza?

By Amal Garaad
Bookmark
Bookmarked

Share

Weli ma rumoobin rajadeyda! 7 bilood iyo 11 maalmood ayaa laga joogaa maalintii uu xafiiskiisa igu qaabilay Mudane Ra’iisul Wasaare Xamze Cabdi Barre. Maalintaas waxaan ahaa gabar cabasho wadata, qalbigeygana ku sidata rajo weyn-rajo ah in arrinteyda wax laga qaban doono, maadaama aan ahay tiir-dhexaadka reerkeyga.

Laakiin nasiib darro, wax walba sidii aan filayay uma dhicin. Halkii aan ka filayay xal cad, waxa keliya ee iiga baxay hadalka RW Xamze rajo ah ah in la iga warqabi doono.

Tan iyo maalintaas, ma aanan joojin dadaalka. Waxaan si joogto ah u xaadirayay wasaaraddii aan ka tirsanaa, inkasta oo baabuur-raaca uu igu ahaa culays joogto ah. Inta badan nafteyda waxaan ku sasabi-jiray “Laga yaabee in wax isbedelaan,” balse bil walba waxay igu dhammaanaysay anigoo weli rajo sugaya.

Dhanka kale, nolosheyda waxaa soo wajahay xanuun kale oo ka culus wax kasta. Aabbahay oo muddo naga xanuunsanaa ayaa ugu dambeyn naga geeriyooday 17-kii Maarso 2026. Wuxuu ahaa qofkii i garab taagnaa, i fahmayay, mar walbana igu dhiirrigelin jiray in aan samro.

aniguna waxaan ahaa arday jaamacad ka baxay oo rajeynayay in aqoontayda aan ku badbaadiyo reerkeyga. Waxaan ku riyoonayay in aan shaqeeyo, in aan noqdo qof wax tar u leh qoyskeeda-laakiin ilaa maanta, riyadaas wali ma rumoobin.

Intii uu noolaa aabbahay, mar walba wuxuu igu oran jiray “Samir, gabadheyda… maalin uun waad heli doontaa xaqaaga.” Hadalkaas weli qalbigeyga ayuu ku nool yahay.

Maanta, weli waan sugayaa… welina waan rajeynayaa. Alle ayaa mahad leh.

W/Q Amal Garaad

- Advertisement -

Read more

Local News