Video: Dib u dhiska iyo dib-u-habeynta waddooyinka magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho waxaa si xowli ah uga soconaya dib u dhis xoogan iyo soo celinta Bilicda Magaalada Muqdisho waxaadna ka dareemi kartaa Bilicda Magaalada sida ay tahay.

Horumarka ka socda Magaala Madaxda Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ah dib u dhiska iyo furista qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ee ku xirmay dagaaladii dalka ka dhacay.

Maamulka degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho, ayaa iminka billaabay inuu dib u furmo mid ka mid ah waddooyinkii ku xirmay dagaaladii ka dhacay magaalada, waxaana hadda ay howlo ka billaabeen waddadaas.

HALKAAN KA DAAWO: