Prof. DALXA: Xasan Sheekh ayaa lagu xumeynayaa hoobiyeyaasha Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo la hadlayey warbaahinta gudaha ayaa si kulul uga hadlay xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan hoobiyeyaashii lagu weeraray qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

Dalxa ayaa marka hore su’aallo ka keenay weeraradaan loo adeegsaday hoobiyeyaasha ee ku dhacay degmooyin ay kamid yihiin Xamarjajab, Xamarweyne iyo sidoo kale Boondheere, kuwaas oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad shacab ahaa oo aan waxba galabsan.

“Hoobiyeyaal ayaa dhacay reer Xamarjajab maxay haleeyeen, Xamarweyne ayuu ku dhacay maxay haleeyeen, reer Boondheere saacaddaas ay jiifaan maxay haleeyeen, dadkii xayaat lagu haligay maxay haleeyeen? ma waqtiga ayaan eedeneynaa mise annaga iska leh? ayuu yiri yiri xildhibaan hore Mudane Maxamed Cumar Dalxa oo ka hadlayey amniga Muqdisho.

Xildhibaanka ayaa shaaciyey in ujeedka laga leeyahay weeraradaan ay yihiin in kaliya lagu xumeeyo dowladda madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaas oo dhan waxay asal u yihiin dhaqan xumo ninka waxaas laga dhaadhiciyey in Ummaddaas dadkiisa ah xilli ay jiifaan waa nin aqlaaqda iyo aqoonta ka aradan, laakiin nin wax garta oo aqlaaq leh oo diin leh oo iimaan leh iska rid madfac Xamar meesha uu kaga dhaco, Xasan Sheekh ku xumey ma noqonaayo cudur daar. Nin weliba camalkiisa ayuu la imaanayaa ama dowladda ku xumey ama ow hebelow,” ayuu markale yiri Prof. Dalxa.

Wxuu intaasi ku sii daray “Dad ayaa hala yiraahdo Xamar amni kama jiro dowladdaan waxba ma qabaneyso saasey ka liidataa ayuu u dhammeynayaa Ummad dhan oo aan wax ay ka galabsatay aaney jirin oo adduunkooda u baabi’inayaa oo naftoodana u jarayaa,”.

Hadalkaan ayaa ku soo aadayo, ayada oo aroortii hore ee Khamiista hoobiyeyaal khasaare geystay lagu garaacay qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaaadir, waxaana ka horreeyey weeraro kale iyo dilal ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.