Maxay Afrika u iibsaneysaa diyaaradaha Drone-ka Turkey?

Ankara (Caasimada Online) – Marka laga yimaado dalalka xubnaha ka ah Gaashaan-buurta NATO, dalalka Afrika ayaa sidoo kale garaacaya albaabka Turkiga si ay xiriir ula sameystaan warshadaha difaaca Turkiga.

Diyaaradda Bayraktar TB2 ee drone-ka oo Turkigu sameeyo, waa sababta ugu weyn oo baahidan ku abuuraysa waddamada Afrika. 

Aad baa runtii looga baahan yahay drone-ka Bayraktar TB2 gudaha Afrika kaddib markii la adeegsaday intii lagu jiray iska hor-imaadyadii Liibiya ka socday iyo dagaalkii Azerbejan iyo Armenia ee gobalka Nagorno-Karabakh sannadihii lasoo dhaafay. 

Iibsiga qalabka ciidamada Turkiga ee sannadkii 2002 waxa lagu qiimeeyay ilaa hal bilyan oo doollar, wax dhoofinta sannadlaha ahi waxa ay gaartay ilaa $248 milyan.

Sida lagu sheegay warbixinta Ururka Warshadaha Difaaca sannadkii 2021, waaxda difaaca iyo hawada Turkiga, iibkeedu waxa uu gaaray $10.1 bilyan, adduunka uga soo xerooday wixii ay dhoofisayna waxaa lagu sheegay $3.2 bilyan, taasi oo kor u dhaaftay $2.6 bilyan oo ah wixii ay soo degsan jireen, inkasta oo Talyaaniga, Jarmalka, Faransiiska, Maraykanka, Ruushka iyo Shiinaha ay wali aad uga horreeyaan suuqa iibinta hubka ee gobolka. 

Si kastaba, Qaaradda Afrika waa suuq cusub oo loogu tala-galay shirkadaha difaaca ee Turkiga; qiimaha dhoofinta hubka ayaa aad kor ugu kacay. Sannadkii 2020, adduun dhan $83 milyan ayaa Turkiga looga iibsaday wax soo saarka hubkeeda; halka $288 milyan looga iibsaday sannadkii hore ee 2021.

Shirkadaha Turkiga ayaa qalab kala duwan iyo gaadiidka gaashaaman ka iibiyay 14 waddan oo Afrikaan ah sida; Burkina Faso, Algeria, Chad, Marooko, Ghana, Kenya, Mali, Mauritania, Niger, Nigeria, Senegal, Soomaaliya, Rwanda iyo Uganda.

Dhinaca kale, dalabka NATO ee diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga ayaa marwalba ah sababta dabada ka riixaysa doonista dalalka Afrika. Kadib khilaafkii u dhaxeeyay NATO iyo Turkiga bishii hore, Finland waxay bilowday isku day soo jiidasho leh oo ay ku doonayso inay Turkiga kaga guulaysato codsigeeda NATO oo ah dalab ay ku sheegtay inay iibsan karto diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga iyo inay sidoo kale hoos u dhigayso shuruucda kale iibsiga hubka. 

Tallaabadaas kadib, dalka Togo oo ku hadla afka Faransiiska ayaa la wareegay shixnad diyaaradeed oo lagu magacaabo Bayraktar TB2 Drone, maadaama ay qorshaynayso inay u adeegsato howl-galka ay ka waddo xuduudkeeda dhanka waqooyi si ugu taageerto ciidamadeeda dagaalka ku jira. 

Bishii hore, sideed askari ayaa lagu dilay weerar ay sheegatay Kooxda Taageerada Islaamka iyo Muslimiinta (GSIM), oo ah is-bahaysiga ugu weyn argagixisada ee gobolka Saaxil, kaasi oo xiriir la leh al-Qaacidada dalkaas.

Soomaaliya, Askarta uu tababbaray Turkiga muddo sannado ah waxay dagaal kula jiraan kooxda al-Shabaab, haddana qalalaasaha siyaasadeed ee Soomaaliya oo daba dheeraaday awgeed ayaa saaxiibada caalamka ku abuuray walaac iyo baqdin ay ka qabaan in milatariga Soomaaliya uu ku dhex milmo colaadaha gudaha dalka ka jira. 

Sida laga soo xigtay diblomaasiyadda sal-dhigga millatari, Turkiga ayaa la sheegay inuu sameeyay shabakad ka kooban 37 sal-dhigyo milatari oo ku yaalla guud ahaan Afrika, kuwaas oo la jaan-qaadaya yoolka Erdogan ee la xaqiijiyey oo ah inuu saddex jibaarayo mugga baaxadeed ee ganacsiga qaaradda Afrika ee sannadlaha ah si loo gaarsiiyo $75 bilyan sannadaha soo aadan.

Ankara ayaa horay sal-dhig ciidan ugu lahayd gudaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in Marooko iyo Tuniisiya ay markii ugu horreysay bishii September ee la soo dhaafay iibsadeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga.

Iyada oo aan kaliya laga eegeynin xasarado gudaha ah inay ka jiraan dalalka Afrika, haddana waa muhiim inay dhistaan awood ay kaga hortagi karaan walaaca amniga iyo ilaalinta qataraha caalamiga ah. Waana sababta ku qaadaysa iibsiga tiknoolojiyadaha casriga ah ee wax soo saarka warshadaha difaaca. 

Sida laga soo xigtay maqaal uu daabacay Eugene Gholz, seynisyahan siyaasadeed oo ku gaaroobay maaraynta difaaca iyo tiknoolajiyadda iyo Harvey Sapolsky oo ah Agaasimihii hore ee Daraasaadka Amniga MIT, mid kamid ah halisaha ugu weyn ee qaran kasta heysta waa in loo maro quudinta nidaamka hal-abuurka difaaca.

Caqabadda ugu weyn ee ka jirta dagaalka awoodeed ee Maraykanka iyo Shiinaha u dhaxeeya, waa in Washington ay dib uga dhacayso dhanka wax soo saarka tiknoolajiyada, gaar ahaan habka vis-à-vis China.

Sidaa darteed, hanjabaadaha argagaxisada, kordhinta loolanka xifaaltaanka juqraafiyadeed iyo aagagga iska hor-imaadyada sii kordhaya iyo rabitaanka xoojinta warshadaha difaaca ee tiknoolajiyadda sare ayaa horseeday koror weyn oo ku saabsan kharashka difaaca ee Afrika oo suuq fiican u ah fursadaha dhoofinta wax soo saarka warshadaha difaaca Turkiga.

Isku soo wada duub, xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa diblumaasiyadeed ee ka dhaxeeya waddamada NATO ayaa laga yaabaa inay saameyn ku yeelato awoodda cusub ee Turkiga iyo sida uu iskugu ballaarinayo suuqyada Afrika oo dhan.

Midnimada NATO waa inay noqotaa mudnaanta Ankara maadama ay xubin ka tahay muddo 70 sannadood ah.

Sidaas darteed, wax-tarka Turkiga ee qaaradda Afrika wuxuu si dhow ugu xiran yahay xiriirka kala dhaxeeya xubnaha ay ku wada jiraan Gaashaan-buurta NATO.