DAMU-JADIID oo dhimasho been ah ka faafiyey madaxweyne SHARIIF SHEEKH

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil ka tirsan Hogaanka Ururka Dam-Jadiid ee ka taliya Dalka Somalia, ayaa baraha Bulshada siyaabo kala duwan ugu baahiyay Qoraalo been ah oo ay sheegayaan in Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheikh Axmed Geeriyooday.

Saraakiisha ayaa waxa ay Facebook kusoo qoreen in ay geeri ku timid Shariif Sheikh Axmed, waxa ayna tilmaamen inuu u geeriyooday Xanuuno ku dhacay, balse Qoraaladaasi ay baahiyeen uu yahay mid been abuur ah oo ka baxsan xaqiiqda.

Nuqul kamid ah Qoraalada ay Facebook ku shaaciyeen Dam-Jadiid ayaa waxaa kamid ahaa ‘’Allaha u naxariisto waxaa geeriyooday Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed xilli uu ku sugnaa Dalka Isutaga Imaaraadka, Samir iyo iimaan alle haka siiyo Ehelka iyo qaraabada uu ka geeriyooday iyo Umadda Soomaaliyeed’’

Sidoo kale Qoraal kaasi ka duwan oo ay baahiyeen ayaa waxa uu u qornaa ‘’Shariif Sheikh Axmed Waxa uu lugta la galay Siyaasado aan u qalmin waxaa ku dhacay xanuunka Maskaxda waxa uuna ku geeriyooday Dalka Imaaraadka’’

Qoraaladaasi ayaa waxaa isla Baraha Bulshada ku beeniyay Hassan Abdikadir Mudey oo ah Mucaarad kasoo horjeeda qaabka ay Dowlada Xassan Sheikh Siyaasada u daadihineyso waxa uuna yiri ‘’ Sheekh Shariif Sheekh Axmed wuu noolyahay Allana waxaan uga baryeynaa in uu siiyo Cumri dheer iyo Caafimaad waxaan aad uga xumahay in ruux nool waa dhintay layiraahdo’’

Waxaa sidoo kale Qoraalada ay Saraakiisha Dam-Jadiid baahiyeen Been abuur ku tilmaamay Xildhibaan ka tirsan Dowlada Federaalka oo saaxiib dhow la ah Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheikh Axmed waxa uuna yiri ‘’Waxaan guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed u xaqiijinayaa in ay been abuur yihiin isla markaana Madaxweynihii hore Sheikh Shariif Sheikh Axmed  uu nabad qabo uuna joogo Dalka Dubai’’

Qoraalada ay baahinayaan Saraakiisha iyo Madaxda Dam-Jadiid ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xilli ay maalmahaani warbaahinta shaacineysay in Madaxweynihii hore Shariif Sheikh Axmed uu isuu soo taagayo Madaxtinimada Dalka islamarkaana uu yahay Musharax u taagan Doorashada 2016-ka ka dhici doonto Dalka, taasi oo qalqal galisay Saraakiisha iyo Madaxda Dam-Jadiid oo iyagu u arka in qabashada Dalka Shariif mid lagu ciribtiraayo Jiritaankooda.

Dhanka kale, waxaa Qoraalada ay Dam-Jadiid baahineyso ka carooday Madaxweyhinii hore Shariif Sheikh Axmed oo la gaarsiiyay nuqulo kamid ah Qoraalada looga been abuuray Noloshiisa, iyadoona Taasi ay u muuqaneyso mid ay Dam-Jadiid kula dagaalamayaan Shacbiyada Shariif uu ku dhex lee yahay Bulshada.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com