Ciidamo gadoodsan oo MADAAFIIC ku garaacay garoonka Gaalkacyo kadib…

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Abaare 8-dii aroornimo ee saakay ayaa hal mar laga maqlay madaafiic culus oo lagu garacaayo gegedi diyaaradaha magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ay maqleyn madaafiic lagu garaacay garoonka oo xilligaas ay ka dagayeen diyaarado badan.

Ma jirto khasaaro ka dhashay madaafiicda lagu garaacay gegida garoonka diyaaradaha Gaalkacyo balse waxaa qalqal ku yimid howlihii garoonka.

Ciidamada gadoodsan oo watay shan gaarri oo ah kuwa dagaalka ayaa madaafiicda ka soo tuurayay xaafadaha ku teedsan galbeedka magaalada Gaalkacyo.

Ciidamada ayaa ka gadoodsanaa mushaar la’aan la soo daristay waxaana ay wacad ku mareyn in ay sii wadi doonaan gadoodka ay sameeyeen ilaa inta mushaarkooda laga siinaayo.

Xaalada garoonka diyaaradaha Gaalkacyo ayaa deggan iminka waxaana aan jirin cid ka hadashay dhacdadii maanta ka dhacday garoonka Cabdullaahi Yuusuf Axmed ee magaalada Gaalkacyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Gaalkacyo

Caasimada@live.com