MADOOBE oo arrin halis ah shaaciyey

Baydhabo (Caasimada Online) – Madoobe Nuunow Maxamed oo madaxweyne u ah maamulka lixda gobal ee koonfur galbeed ayaa shir jaraa’id ku qabtay xarunta ADC-da waxaana uu ka warbixiyay isku soo bax rabshado wata oo maanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay.

Madoobe Nuunow ayaa ugu horeyn sheegay in uu ka xun yahay dhimmashada iyo dhaawaca ka dhashay bannaanbax looga soo horjeeday ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo Baydhabo ka dhacay, isagoona sheegay in arrintaas ay muujineyso sida loo caburinaayo taageerayaashiisa.

Wuxuu sheegay oo kale in qofka dhintay iyo labada kale ee dhaawacmay uu rasaas ku furay askari ilaalo u ah wasiir ku xigeenk ammaanka Ibraahim Yarow Isaaq isla markaana loo baahan yahay in cadaalladda la hor keeno.

Madoobe Nuunow Maxamed ayaa tilmaamay in ay dadka xaq u lee yihiin in ay soo bandhigaan aragtidooda iyo cidda ay taageersan yihiin ma ahan buu yiri in xabad lagu furo dad maati ah.

Ugu dambeyn Madoobe Nuunow ayaa madaxda dowladda iyo beesha caalamka ka codsaday inay tixigaliyaan rabitaanka dadka ku dhaqan gobalada Baay iyo Bakool.

Hadalka Madoobe Nuunow ayaa ku soo aadaya iyadoo maanta galinkii hore uu dibadbax rabshado wata uu ka dhacay magaalada Baydhabo kaddib markii la sheegay in uu magaalada tagayo ra’iisal wasaaraha Soomaaliya balse wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ra’iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ay baaqdeyn.

Xaaladda magaalada ayaa deggan, waxaana lagu soo warramaya in magaalada ammaankeeda ay la wareegeyn ciidanka AMISOM.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan guddiga maamul u sameynta gobalada Shabeellaha Hoose, Baay iyo Bakool kuwaasoo uu dhawaan magacaabay ra’iisal wasaaraha Soomaaliya waxaana ay kulamo la lee yihiin odayaasha iyo siyiinta magaalada isku heysata.

Magaalada Baydhabo waxaa ka dhisan seddax maamul marka laga soo tago kan dowladda waxaa kaloo ka dhisan maamulada lixda iyo seddaxda.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Ankara

Caasimada@live.com