Faarax C/qaadir iyo Goodax oo tagaya Kismaayo iyo ujeedka socdaalkooda

Wafdi ballaaran oo ka socda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo urur-goboleedka IGAD ayaa lagu wadaa inay maalinta berri oo Isniin ah gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka arrimaha gudaha Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hoggaamin doona wafdi ka socda xukuumadda Soomaaliya, waxaana xubnaha wafdigiisa lagu wadaa inuu ka mid noqdo wasiirka dastuurka iyo garsoorka Faarax Cabdiqaadir oo markii ugu horreysay booqanaya Kismaayo.

Ergeyga gaarka ah ee urur-goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya, Maxamed Cabdi Afey ayaa isna lagu wadaa inuu gaaro magaalada.

Ujeeddada socdaalka wafdiga dowladda iyo IGAD ayaa lagu sheegay qiimaynta qodobbada ka hirgelay heshiiskii Addis-Ababa ee dabayaaqadii sanadkii 2013 yeesheen dowladda Federaalka iyo maamulka Jubba.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com