Xog: Indha-Cadde oo xiray wadooyinka gala hooygiisa (Maxaa soo kordhay??)

Muqdisho (Caasimada Online)-Warka laga helaayo dhanka Saraakiisha Ammaanka ayaa sheegaya in DF ay Gen.Yuusuf Siyaad Indha cadde ugu baaqday inuu wareejiyo Gabi ahaan hubka gacanta ugu jira.

Wararku waxa ay sheegayaan in Yuusuf Indha cadde loo qabtay mudo kooban inuu ku wareejiyo Hubka, si looga bad-baado weeraro ay waxyeelo kasoo gaaran dad shacab ah.

Yuusuf Indha Cadde oo ka cabsi qaba inuu weeraro kala kulmo Laamaha Ammaanka ayaa la Tilmaamayaa inuu jaray gabi ahaan Wadooyinka gala Hooygiisa Magaalada Muqdisho, isagoona badsaday Maleeshiyaadkii ilaalada u aheyd.

Lama Oga waxa uu Yuusuf Indha Cade uga jawaabay baaqa ka baxay Xafiisyada Laamaha Ammaanka ee ahaa inuu maalmo kooban Hubka ku wareejiyo, balse waxa ay warar hoose sheegayaan inuu ka caga jiidayo isagoo garabsanaaya Wasiirka Amniga Khaliif Erag iyo Taliyaha Ciidamada Militeriga Indha-qarshe.

Dhanka kale, Waxaa suuragal ah in Ciidamada Ammaanka ay jawaab adag ka bixiyaan waa haddii natiijo laga waayo Beesha Habar-Gidir oo uu Indha Cadde kasoo jeedo.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

caasimada@live.com