QARAXYO lagu la’day oo ruxay KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – Lix qof ayaa laga daad-gureeyeye Isbitaalka Mandheera ee W/bari ee Kenya, kadib, markii uu qarax ka dhacay Dukaan u dhow Isbitaalka Blue Light Hospital ee magaalladda Mandheera.

Hay’adda Bisha Cas ee Kenya ayaa si KMG u joojisay Hawlgalladdii ay ka wadeen Degmadda Rhamu oo dhanka Waqooyiga kaga toosan Mandhera.

Hadal ka soo baxay Hay’adda ayaa lagu sheegay in tallabadaasi la qaatay sababo dhinaca ammaanka iyo iyadoo laga baqayo in shaqaalaha Hay’addaasi waxyeello la kulmaan.

Maalintii Axadda ee la soo dhaafay, Gaari Ambalaas ayaa lagu weeraray agagaarka Degmadda Rhamu, iyadoo mid ka mid ah shaqaalaha Bisha Cas lagu dhaawacay.

Degmadda Rhamu waxaa ka dhacay dagaal beeleed aad u culus oo u dhexeeyo labo beel oo halkaasi deggan.

Waxaana ilaa iyo haatan ku geeriyootay 6 qof oo ka soo kala jeeda dhinacyaddii dagaalamay. Waxayna Maleeshiyooyinka isku adeegsanayaan noocyadda hubka fudud iyo Hoobiyayaal.

Qoysas fara badan ayaa ka cararay dagaalladda culus ee ka socda Degmaddaasi.

Xigasho:- Daily Nation

Caasimada Online

Xafiiska Nairobi

caasimada@live.com