XOG: Dalkii madaxweynaha ka dhiggay Xasan oo safaarad ka furanaya Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynha Dowladda Federalka, Md. Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu Xafiiskiisa ku qaabilay Hawl-fuliyaha Safaaradda Qatar ku leedahay magaallaadda Muqdisho, Hassan Bin Hamza Assad Mohamed.

Kulankaasi ayaa looga hadlay xiriirka labada dal iyo qorshaha ay Dowladda Qatar ku furanayso Safaaraddii ay ku lahaayeen Somalia, wuxuuna Diplomaasiga Qatar u soo gudbiyey Madaxweynaha Somalia salaan uu u so odiray Amiirka Qatar, Sheekh Tamim Bin Hmaad Al-thani.

Dhinaca kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Xasan waxa uu ka codsaday Hawl-fuliyaha Safaaradda Qatar inuu salaan khaas ah ka gaarsiiyo Amiirka dalka Qatar, Sheikh Tamin Bin Hamad Al-thani.

Wargeyska The Gulf Times ayaa qoray inay labada dhinac si aad ah ugu lafa-gureen kulankooda xoojinta xiriirka labada dal

Xigasho: gulftimes.com