Damaca cusub ee Qoor Qoor: Madaxweyne mise R/Wasaare

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Waxaa soo xoogeysanaya wararka la xiriira damac siyaasadeed ee heer Federaal ee hoggaamiyaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Ninkaan oo siyaasiyiin badan ay damac ka qabeen inuu dhisi doono sanadkaan dan ama qabiil middii ay noqotaba, ayaa hadda lasoo tabinayaa inuu isagu tolanayo shaati u gaar ah.

Hoggaamiyahaan oo madax u ah koox siyaasadeed loo yaqaan (Waayo Arag) oo qaar badan oo kamid ah ay kuraas soo heleen ayaa lasoo wariyey inuu heshiis daneed la gaaray shakhsiyaad badan oo kuraas kaasoo qaatay Galmudug.

Maamulkaan ka dhisan bartamaha Soomaaliya wuxuu maamulaa 8 Senator iyo 37 xubnood oo Golaha Shacabka ah. Sanadkaan kursi ujeedo la’aan ah ma bixin Qoor Qoor, haddana ma bixin doono, ayuu yiri xubin sare oo kamid ah saaxiibada siyaasadeed ee Qoor Qoor.

Illaa hadda maamulka Galmudug wuxuu qabtay doorashada 8 Senator oo mid lagu laaban doono iyo 8 xubnood oo Golaha Shacabka ah. Inkasta oo ay jiraan musharixiin ku daaban dadka kuraastaas soo qaatay ama qaar lacag ka bixiyey, haddana waxaa Dhuusamareeb taala dood la yiraahdo damaca Qoor Qoor maxaad ka goysaa iyo maxaa wada yeelan karnaa.

Xubno ka tirsan kooxda Waaya Arag oo aan la hadalnay waxay sheegayaan si aan leex leexad laheyn inuu Qoor Qoor damac ku jiro.

Bilo ka hor ayey arrintaan sidaan oo kale usoo baxday, balse hadda 3-dii asbuuc ee lasoo dhaafay mar kale ayuu Qoor Qoor dib uga hadlay dantiisa.

Waxaa la xaqiijiyey inay jiraan kuraas uu isaga bixiyey lacagta diiwaan gelinta musharixiinta, middii ergada ama midda baarlamanka.

Markii hore waxaa jirtay dood aheyd in Kuraasta qaar uu lacagtooda Farmaajo baxsanayo oo lasoo mariyey Qoor Qoor, balse hadda waxaa soo baxay jiritaanka dhowr kursi oo uu isagu toos u maal geliyey.

Sidoo kale, waxaa la xaqiijiyey inuu kaalmo maaliyadeed siiyey dhowr qof oo saaxiibadiis ah oo Kuraas ka doonatay maamul goboleedyada kale.

Kooxdiisa weli waa kala qeexi la’yihiin madaxweyne iyo Ra’iisul Wasaare midka uu damaciisa la egyahay, laakiin waxay xaqiijiyeen inuu ku jiro damac xoog leh.

“Intaan ogahay wuxuu qiimeyn doonaa xaaladda, waxaa dhexdeena yaala abaabul dhaqaale iyo mid Kuraas, ma jirto sabab uu ugu shaqeeyo dad uu isaga ka fursad badan yahay, halkaan waxaa wax lagu qeybinayaa maxaa wada yeelan karnaa iyo qofkaan ma aamini karnaa, taas waxay kuu caddeyneysaa ujeedka” ayuu yiri mid kamid ah xildhibaanada kooxda Waaya Arag.

Qoor Qoor iyo Farmaajo

Axmed Cabdi Kaariye, hoggaamiyaha Galmudug iyo saaxiibkiis Maxamed Cabdullaahi Farmaajo isma diidana, laakiin dooda ay dad badan ka qabaan dib u doorashada Farmaajo ayuu si weyn u dhageysanayaa Qoor Qoor, haddii uu Qoor Qoor dhisayo qof musharax ah wuxuu dhisayaa Farmaajo waa haddii uu weli fursad leeyahay, iyadoo ay dantu tahay mid ku dabaqan kursiga Ra’iisul Wasaaraha.

“Sidaasadda waa dan, haddii uu Qoor Qoor dhiso musharax ay isku dhari yihiin muxuu ka faa’idayaa,” ayuu ku dooday mid kamid ah saaxiibadiis oo aamisan in Qoor Qoor haddiiba uu musharax kale dhisayo inuu Farmaajo aadi doono.

Qoor Qoor iyo Musharixiinta Beeshiisa

Hoggaamiyaha Galmudug sanad ka hor waxaa ku xooganaa oo galaangal ku lahaa siyaasiyiinta beel dhexaadkiisa ah, laakiin dhammaan kooxdaani hadda dagaal ayey banaanka ula taagan yihiin, sababta waxaa loo arkaa in xubnaha qaar fahmeyn damiciisa qaarna hibo dagaal ayeyba leeyihiin.

Dhowr kulan oo la rabay in Qoor Qoor looga dhaadhacsiiyo inuu dhiso qof reerka ah ayaa dhicisoobay. Dadka qaar waxay leeyihiin xubnaha ku cadaadinaya inuu dhiso maba aaminsana Qoor Qoor inay dhismi karaan ama inay leeyihiin fursad tiisa oo kale ah.

“Haddii uusan sanadkaan yeelan damac federal ah oo uusan laacin kursi weyn ma wuxuu hubaa inuu 2026 heli doono fursadaan oo kale, Qoor Qoor ama wuu is sharixi doonaa ama wuxuu soo saaranayaa dad u goyn kara Kursi Ra’iisul Wasaare,” ayuu yiri mid kamid ah la taliyayaasha Qoor Qoor.

Soo laba kacleynta damaca Qoor Qoor ayaa tareenka kasii tuureysa xubno badan oo ay isku dhari yihiin oo kamid ah musharixiinta xilka madaxweynaha.