Warbixin xasaasi ah: Damu-Jadiid mushaar bixin meysee mutadawacnimo ha loogu shaqeeyo..!!!

Uurka ayaa ku huraya ama jirka ayaa ku gubanaya haddii aad dhagaysato cabashada mushaaar la’aaneed ee ay qabaan shaqaalaha Dawladda Federaalka Soomaaliya,muddo dhawr bilood oo xiriir ah ayuu ka maqan yahay mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen, lacago deyn ah oo isku gaar-gaaray ayaa inta badan shaqaalahaaasi loo qabsadaa, nasiib daro qaarkood hanti ay lahaayeen ayaa looga haystaa ama loogala wareegay wax yar oo lagu leeyahay darteed.

Ma yara khayla dhaanta ka soo yeeraysa hawl-wadeenadaaasi isugu jira Maskax-Maalka iyo Muruq- Maalka, maalinba maalinta ka dambaysa waxaa sii kordhaya culaysyada dhaqaale ee haysta dadkaasi, laakiin cidna dhag jalaq uma siiso, waa la madadaaliyaaa waxaana beerka loogu qaboojiyaa in bil walba waxooda la siinayo hase yeeshee sheekadaaasi macaanta badan cidna ma fuliso, waa rajo ku nool ku haminaya maalin uun iney qaadan doonaaan xaqa laga haysto.

Qoysas aad u tira badan ayaa ku kala qeybsamay mushaaar la’aanta qabsatay shaqalaahaasi, rag iyo gabdho aad u sharaf badnaaa ayaa goobihii ay deganaayeen waxaa looga saaray sababo la xiriira iney iska bixin waayeen kiradii lagula heshiiyayay , aqyaar kalana oo iyana magac dheer leh waxey xaaladu tustay in ay ka dhuu-dhuuntaan qaar ka mid ah waddooyinka deynta looga leeyahay, saraaakiil aan iyaguna yareyn waxay door bideen iney xaasaskoodii iska fasaxaan mushaaar la’anta la soo gudboonaatay awgeed,intaas oo mushkiladood iyo in ka badan ayay farqaha ku sitaan ma noogayaasha maaalin walba u shaqo taga Hay’adaha Dawladda Federaalka Sooomaaliya.

Ciriiriga nololeed ee lagu hayo shaaqaalahani wuxuu uu muuqdaa inuu yahay mid loogu tala galay, maxaa yeelay lacag la’aan ma hayso Dawlaadda Soomaaliya, maalin iyo habeen kasta waxaa ilaha dhaqaalaha ee wadanka laga soo guraaa malaayiin doolar, mucaawinooyin kala duwan oo isugu jira deeq qalab, mid raashin, iyo mid taageero maaliyadeed ah ayaa laga helaa beesha caalamka, hantida iyo kaaalmooyinka intaasi la eg ee Dawladda soo gala lama arko,saadaashuna waxey tahay iney ku dhacaan dhaqaaalhaaasi jeeb aan marnaba buuxsameynin oo ay leeyihiin dad dano gaar ah leh.

Waa yaab in mar walba oo ay madaxdu khudbeynayaan iney jeediyaaan hadalo mac-macaan badan oo aan marnaba laga dhargeynin, waxaase naxdin leh inaan marnaba hoos loo fiirineynin nolosha adag oo ay ku jiraan shaqaalaha iyo shicibka kale ee caadiga ah, aqoonyahano badan iyo madax kale oo ka mid ah Dalalka daneeya arimaha Soomaaliya ayaa dhawr jeer u cel celiyaya in ku Takri fal iyo Musuq Maasuq baaahsan uu ka dhex jiro Hay’adaha Dawlaadda Federaaalka, iyagoo cadeeyay inta ay arimhaasi taagan yihiin iney adkaan doonto iney Dawladdu si joogto ah u bixiso mushaaraadka shaqaalaheeda dan yarta u badan.

Ceebta ugu weyn ee Dawladaan ay hogaaminayaan reer Damul Jadiid ay la timid waxaa ugu mug weyn sida ay ugu dheel- dheelaayaaan hantidii ummadda, iyagoo faan iyo hawlba ka dhigtay safaro dhinaca dibadda ah oo laga maarmi karayay, qabashada casho sharafyo aan macno lahayn, bixinta taageero ku dhisan is tus-tus si la isu muuujiyo,abaabulida shirar lagu sheegay kulamo Qaran oo aan wax natiijo ah laga dhaxlin,iyo isku dhabaar jabinta sidii ay mar kale kooxdu uga soo laaban lahayd Hogaanka Dalka, arimahaasi iyo in kale oo ka baadan ayay hubaashii tahay in lagu bixiyay dhaqlaaihii Qaranka,sidaasi daraadeed shaqaalaha Dawladu ha ku raali ahaadaan mushaar la’aanta haysta, bacdamaa mushaaarkii ay dhawrayeen loo leexsaday meelo kale oo Dano Siyaasadeed laga leeyahay.

Adduunka kama dhacdo, suurta galna ma ahan in qof aadan xaqiisa siineynin inaad ka sugto shaqo hufan, ruux kastaa oo hadda Dawladda Federaalka u shaqeeya maanta wax kalsooni ah uma hayo hawshiisa, wuxuuna ka wel-welsan yahay helitaanka nolol maalmeedkiisa, si uga baxsado gaajada dubanaysa ee aaney marnaba Dawladda uu u shaqeeyo diyaarka u ahayn iney wax ka qabato.

Inkastoo dhibaatooyin kala duwan horey ay u soo mareen shaqaaalaha Soomaaliyeed haddana tan iminka haysataa horey uma aysan soo arkin, lama oga tacadiyadaan lagu hayo shaqaalhaasi xilliga uu soo dhamaanayo, balse waxaaa la wada rumaysan yahay in waqtigii uu Alle yiraahdo iney dhibaatadani soo gaba-gaboobi doonto, iyadoo inta ka horeysana shaqaalaha dhibaataysan lagula talinayo iney iska samraan isla markaana ay Dawladda Damul jadiid ay ugu sii shaqeeyaan si Mutadawacnimo ah oo iska wax u qabso oo kale ah, mar haddii lagu guul dareystay in mushaarkodii la siiyo.

W/Q: C/llaahi Xasan Axmed (Sheekhaalow)