Wada hadalladii DF iyo Ahlu-Sunna oo fahsilmay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo DF Somalia iyo Maamulka Ahlusunna uu wada hadal gaar ah uga socday Magaalada Dhuusamareeb, ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar sheegaya in wada hadalkaasi uu goordhow burburay.

War hadda naga soo gaaray Magaalada Dhuusamareeb, ayaa sheegaya in Wafdiga DF Somalia u matalaaya wada hadalka iyo kan Ahlusnna ay ku kala kaceen wada hadalka oo ay garwadeen ka ahaayeen Siyaasiinta ka soo jeeda gobalada dhexe ee Somalia.

Wafdiga DF Somalia ayaa si cad kaga soo horjeestay Qodobada ay Ahlusunna dalbatay in loo fuliyo, waxa ayna wafdiga Dowladu ku doodeen in Ahlusunna ay la siman tahay Ururada kale sidaa awgeedna aysan suuragal aheyn inay qaatan shuruudaha ay la imaaden Ahlusuna.

Qodobada sababay kala boodka labada dhinac ayaa waxaa kamid ahaa qaabka awood qeybsiga loo sameynayo iyo ka bixitaanka kooxdan ee magaalada Dhuusamareeb oo ay dhawaan ka qabsadeen dawladda Faderaalka ee Somalia.

Sidoo kale, Ahlusunna ayaa gadaal kaga soo dartay Sharuudaha in Beesha Caalamka ay Goobjoog ka noqoto wada hadalada u dhaxeeya Dowladda iyo Ahlusunna.

Wafdiga DF ayaa goordhow isaga kacay madashada wada hadalka, waxaana socda waan waan ay wadaan Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Dhexe oo garwadeen ka ah Wada xaajoodka.

Waxaa suuragal ah in Wafdiga Dowlada ka socda dib loogu celsho madashada wada xaajoodka waa hadii ay isbedel la imaado Ahlusunna, hadii isbedelkaasi la waayana ay DF Somalia go’aan cad ka qaadaneyso Ahlusnna.

Xaalada Madasha ayaa ah mid kacsan waxaana cabsi laga qabaa in Ahlusunna ay carqaladeyso shirka socda Bacdamaa ay Wafdiga DF isaga baxeen shirka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com