Ergada shikra Cadaado oo xal muhiim ah gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Magaalada Cadaado ee Xarunta Maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa sheegaya in Ergooyinka shirka ay ansixiyeen Dastuurka Maamulka Gobollada Dhexe.

Ergada oo qaab gacantaag ugu codeyneysay Dastuurka ayaa waxaa 310 ka mid ah Ergada Shirka ay u codeeyen in Dastuurkaasi la qaato , halka 100 Ergana ay kasoo horjeesteen qaadashada Dastuurka KMG ee uu yeelan doono Maamulka loo dhisaayo G/Dhexe.

Dastuurka la ansixiyay maanta ayaa waxa uu in muddo ahaa mid ka taagan ansixintiisa is qabqabsi.

Ansixinta Dastuurka ayaa waxaa xigi doona Xulista Xubnaha Baarlamaanka, doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi kadib waxaa looga sii gudbayaa Doorashada Madaxweynaha.

Sidoo kale, Ansixinta Dastuurka maanta la ansixiyay ayaa waxa uu ka turjumayaa in Ergada ay ka gudubtay Caqabadii ugu weyneyd ee ka dhalan jirtay Khilaafka Ergada.

Waxaan la saadaalin karin sida looga gudbi doono qodobada kale ee xiga Dastuurka waxaana suuragal ah in inta uu iminka maraayo kasii sahlanaato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com