R/W Sharmaarke: DF xaaladda waa ku xun tahay

Washington (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C.rashiid Cali Sharma’arke ayaa xog dheeraad ah ka bixiyay dhaqaalo yaraanta ka jirta dalka Soomaaliya iyo waxyaabaha keenay kadib markii wareysi uu siiyay VOA.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay weysay dhaqaalo  badan oo dibada laga heli jiray laguna dabari jiray mushaaraadka ciidamada dowlada Soomaaliya iyo shaqaalaha rayidka dowlada Soomaaliya.

“Runtii waad ogtahay sanad kasta bisha December marka la gaaro lacagta wey go’daa, waxaa la rabay ka hor December iney cusbooneysiiyaan codsiga lacagta, taas ayaa keentay in dhaqaalo yari dhacdo, Turkiga, Bank aduunka iyo beesha caalamka ayaa lacagta bixin jiray”.ayuu yiri Cumar C/rashiid.

Dhanka kale ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid, ayaa ka hadlay qabsashadii ciidamada Ahlu sunna ee degmada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud, wuxuuna sheegay in Ahlu sunna ka filayaan ka qeyb galka dhismaha maamulka gobolada dhexe.

“Annaga iyo Ahlu sunna hal meel ayaan kasoo jeednaa oo cadow iskuma nixin, wey dhici kartaa in mararka qaar la is qabtaa, waan rajeynayaa in Ahlu sunna ay ka qeyb qaadan doonto maamulka gobolada dhexe, Ahlu sunna waa la qancinayaa waxaana rajeyneynaa iney ka laabtaan Dhuusomareeb”.ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Ugu dambeyn wuxuu rajo wanaagsan ka muujiyay in dalka Soomaaliya sanadka 2016 ka dhacdo doorasho, ka hor inta ka harsan sanadkana la qaban doono howlha badan ee horyaala dowlada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Minneapolis
Caasimada@live.com