Dhageyso: Dacwada musuq-maasuqa Muungaab oo gaartay BF Somalia iyo guddi tallaabo qaaday

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha gobalka Banaadir, Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ayaa bilooyinkii danbe ka waday Magaalada Muqdisho qorshe dhulalka danta guud loogu cabariyo shaqsiyaad gaar ah oo uu lacag ka qaatay, halka dadkii horey u deganaa loogu barakacinayo.

Muungaab ayaa dadka u sheegayey in dowladdu ay u baahan tahay dhulkaas, balse nasiib darro waxa uu ka iibsanayey shaqsiyaad gaar ah, ayada oo la sheegay inuu ka taajiray bilihii ugu dambeeyey.

Guddiga gaadiidka Cirka iyo Dhulka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kormeer ku sameeyay Xerada Asluubta ee Galbeedka Muqdisho halkaaso dhawaan dad dan yar ah laga raray islamarkaana la ogaaday in dad gaar ah laga iibiyey, waxaana ay tallaabadaas qaadeen kadib markii ay gaartay dacwad ka dhan ah Muungaab.

Halkan ka dhageyso guddiga oo ka hadlay arrinta

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com