Wasaarada maaliyada DF oo bixisay xog xasaasi ah oo ku saabsan musuq-maasuqa Xasan iyo CC

Muqdisho (Caasimada Online) – Shaqaale ka tirsan wasaarada Maaliyada DF oo Caasimada Online ula hadlay si qarsoodi ah, ayaa ka warbixiyey dhacdooyin uu goob joog u ahaa, wuxuuna sheegay in lacagaha ay ka qaataan Madaxda Dowladda Bangiga dhexe in aysan jirin wax xisaab celin ah.

“3 billood ayaa Dekadda waxaa ka soo xarootay 31 Milyan oo dollar, iyada oo shaqaalihii iyo ciidamadii Dowladda aysan wax mushaarad ah qaadan” Ayuu yiri masúulkaasi ka tirsan Wasaarada Maaliyada oo codsaday inaan magaciisa la xusin.

“Wasiirka Maaliyada Maxamed Aadan (Fargeeto) wuxuu haatan qarka u saaran yahay inuu shaqadii isaga tago,  rag saaxiibadiis ah ayuu u sheegay in xilka uu hayo  yahay mid magac-u-yaal ah; isaga oo si weyn u saluugsan tartanka Madaxweynaha iyo R/wasaaruhu ugu jiraan xaalufinta iyo ku takri falka hantidii dalka” Ayuu yiri masúulkaasi ka tirsan howl-wadeenada Wasaarada Maaliyada, wuxuuna intaasi sii raaciyey in la kala garan la´yahay wixii dadku lahaa iyo wixii Qaranku lahaa.

“Ummad-nimaddeenii ayaa noqotay mid dhulka taal, sababtuna waxeey tahay shacabkii oo kala qeybsan, isla markaana aan ka dhiidhiyeyn qaladaadka ay sameynayaan Madaxda” Ayuu yiri wuxuuna tilmaamay in awoodda ugu ballaaran ee dalku maanta u baahan yahay  ay tahay saxaafad waddaniyad ku shaqeysa iyo shacabka oo midooba, kana horyimaada cid kasta ee uu qalad  ka yimaado.

“Dalalka adduunka ugu qanisan Madaxdooda sida ay kuweena u safraan uma safraan,  lama arkaayo R/wasaaraha Ingiriiska ama Jarmalka oo bishii 6 jeer safreysa, waayo qalin iyo warqad ayaa lala daba taagan yahay,  qarashka ku baxaya ayaa saxaafadu daba taagan tahay, annagana madaxdeenii diyaarad ayeey sii saaran yihiin toddobaad kasta; Madaxweynaha mar walba ee uu safar tegayo wuxuu ka qaataa Wasaaradda maaliyadda $500,000; halka R/wasaaruhu  qaato $200,000” Ayaa laga soo xigtay Wasiirka maaliyadda, wuxuuna intaasi sii raaciyey in madaxda haddii wax wanaagsan ay bulshada u qabtaan lagu taageero, haddii qalad uu ka dhacana shacabku iyaga oo mideysan ay yiraahdaan: DIIDNAY” Ayuu yiri, wuxuuna intaasi sii raaciyey:

“Mas’uuliyadu ma ahan magac ee waa khibrad iyo aqoon; Lacagta bangiga dhexe ku soo xeroota inta aan la tirin ayaa la kala qaataa, anigana waxaan meesha u fadhiyaa inaan u sharciyeeyo oo keliya, shaqadeydu waxeey ku soo uruurtay inaan marqaati ka noqdo lacagtaa jeebka lagu shubanayo ”

Mas´uulkan ka tirsan Wasaarada Maaliyada, mar kale wuxuu  yiri:

“Wasiir Fargeeto wuxuu sheegay in Wasiiru dowlaha Wasaarada Maaliyada uu  wakiil ugu yahay Madaxweynaha lacagaha sharci darrada lagala baxaayo bangiga dhexe. Sharcigu marka uu noqdo wax shaqsi ama shaqsiyaad jeebka ugu jira ma jirto ayaan darro ka weyn, waxaa kale oo ayaan darro ah in dalkani ay madax u noqdaan tuugo mid kastaahi doonayo inta uu xilka hayo in hantidii ummadda oo dhan uu jeebka gashto, waxaa igu soo dhaceysa shiribkii Laashin Faarax Seefeey ee ahaa (Tuugaa mar idiin talin doonta)”.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com