XOG: FAARAX C/qaadir oo kusoo laabanaya DFS

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo xogagaal ka tirsan Madaxtooyada Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud uu qorsheynaayo in uu golaha wasiirada dib ugu soo daro Faarax C/qaadir.

Faarax Cabdulqaadir oo maalmahan ku sugnaa dalka Turkiga oo qalliin loogu sameeyey, ayaa la filayaa inuu dhowaan kusoo laabto Muqdisho.

Warar ay heshay Caasimada Online,ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan uu diyaariyay liis ay ku ku jiraan siyaasiyiin uu ka mid yahay Faarax C/qaadir oola filayo in golaha wasiirada lagu soo daro, ayada oo qaar xilalka laga qaadayo.

Faarax Cabdiqaadir ayaa ahaa Wasiirkii hore ee Dastuurka iyo Cadaaladda, waxaana Golaha laga reebay markii isaga iyo Saxiibadiisa ay ka horyimaadeen Baarlamanka Federaalka.

Mas’uuliyiin ka tirsan Xafiiska Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in wax shaki ah uusan ku jirin in Wasiirkii hore ee Cadaaladda uu mar kale kasoo dhex muuqan doono Golaha Wasiiradda inkastoo aysan kala cadeyn xilka loo magacaabi doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com