XOG: Shariif Xasan oo laga soo eryay magaalada Baydhabo “Halkuu saldhig cusub ka dhigtay?”!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo mudooyinkaani uu Khilaaf ka dhextaagan yahay Madaxweynaha Maamulka Koonfur galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan, ayaa waxaa hadana soo baxaayo warar sheegaya in Madaxweynaha uu kasoo cararay Magaalada Baydhaba.

Shariif Xassan oo hogaaminaayo tiro mas’uuliyiin ka tirsan Maamulkiisa ayaa waxa ay iminka saldhig ka dhigteen Hotel Baar Ismail oo ku yaalla Degmada Afgooye haalkaasi oo uu ku guto howlihiisa shaqo.

Sababta uu kaga soo cararay Magaalada Baydhabo ayaa ah inay la xiriirto weeraradii lagu qaaday Madaxtooyada Maamulka iyo Qaraxyadii lagu weeraray dhowr jeer oo uu kusoo jeeday Degmada Afgooye.

Sidoo kale, Odayaasha Baydhabo iyo Qabiilada qaar ayaa aad kaga soo horjeeda Siyaasada Madaxweyne Shariif Xassan, waxa ayna taasi qalqal galisay ku sugnaanshihiisa Magaalada Baydhabo, waxaana jiro warar hoose oo sheegaya in dhowr jeer loo maleegay qorshooyin lagu khaarijin lahaa balse la fashiliyay.

Xaalada amni ee Madaxweyne Shariif Xassan ayaa aad looga deerinayaa waxaana suuragal ah in Shariif Xassan uusan dib ugu laaban Magaalada Baydhabo markii laga reebo booqashooyinkii uu caadi ugu tagi jiray.

Dhanka kale, Shariif Xassan ayaa inta badan kala eryay ilaaladiisa gaarka ahaa cabsi kasoo foodsaartay awgeed, waxaana amaankiisa si toos ah ula wareegay Ciidamada Ethiopia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com