Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Imaaraadka ee Somalia oo bilaabay qorsho hor leh oo lagu jaanrogayo Xassan Sheekh
Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo ku aadan faragalinta ay dowlada Imaaraadka Carabta ku heyso doorashada Somalia, iyadoo adeegsaneysa mas’uuliyiin ka tirsan dowlada hadda jirta ee uu hogaaminaayo Xassan Sheekh.
Wararku waxa ay tibaaxayan in Danjiraha Imaaraadka Carabta u fadhiya Somalia Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi uu xiriiro hor leh la sameeyay Musharaxiin dhowr ah oo kamadax-banaan kuwii hore.
Musharaxiinta uu xiriirka la sameeyay Danjiraha ayaa la sheegay inay yihiin kuwo macquul ah, isla markaana shaki galinkara 2 musharax oo ay wadato Imaaraadka Carabta.
Qorshaha uu Danjiraha ka leeyahay Musharaxiintaasi ayaa la sheegay inay tahay dalab tanaasul ah, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in musharaxiintaasi loo sameyn doono ballanqaad isla markaana loo celin doono dhaqaalaha uga baxay ololaha.
Laba kamid ah Musharaxiina uu xiriirka la sameeyay Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi, ayaa kasoo jeeda Beesha Daarood, halka kan Seddexaadna uu yahay Hawiye, sida aan ku helnay xogta.
Danjire Maxamed Axmed Cusmaan Alxamaadi, ayaa kasoo horjeeda in musharaxiintaasi ay wakhti danbe heshiis la furaan Xassan Sheekh oo ay u muujiyaan Tanaazul.
Danjiraha Imaaraadka ee Somalia, ayaa muddo Seddex jeer ah magaalada Nairobi kulan kula qaatay Musharaxiin qalqal galiyay Musharaxnimada Xassan Sheekh kuwaasi oo ay kamid yihiin Sharmaarke, Shariif Xassan Sheekh Aadan iyo C/raxmaan C/shakuur.
Imaaraadka ayaa kasoo horjeeda in Madaxweyne Xassan uu mar kale qabto xilka, waana sababta ugu weyn in wadahadal ay la furaan Musharaxiinta cusub.
Si kastaba ha ahaatee, ololahaani ay wado dowlada Imaaraadka, ayaa qalqal Siyaasadeed galinkara Madaxweyne Xassan.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

