Jowhar (Caasimada Online) – Guddiga Doorashooyinka dadban ee maamulka Hirshabelle ayaa shaaca ka qaaday inay ku guda jiraan dadaaladii lagu xalin lahaa Khilaafkii dhaliyay israsaaseynta ee dhexmaray Musharaxiintii u tartameysay Aqalka Hoose.
Guddiga ayaa sheegay in dib loo bilaabi doono Doorashada Aqalka Hoose haddii ay kasoo jeestaan xalinta Khilaafka hadda taagan.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Hirshabelle ayaa sheegay in Doorashada ay dib u bilaabi doonaan maalinta Arbacada ah ee fooda nagu soo heyso.
Guddoomiyaha waxa uu sheegay in iminka uu bilowday dadaalkii lagu xalin lahaa Khilaafka waxa uuna intaa raaciyay inay xaliyeen inta badan murankii taagnaa.
Magaalada Jowhar ayaa waxaa hadda ku sugan Mas’uuliyiin ay hogaaminayaan Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka iyo Taliyaha Booliska Soomaaliyeed oo qeyb ka ah Mas’uuliyiinta xalineysa Khilaafka.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar

