26.2 C
Mogadishu
Tuesday, January 13, 2026

Keating oo tagay magaalada Jowhar iyo musharixiin doorashada laga saarayo

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Jowhar tagay wakiilka xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating.

Safarka Danjire Keating ayaa salka ku haya ogaanshaha heerka uu gaarsiisan yahay musuq maasuqii doorasho ee ka dhacay magaalada iyo dagaalkii ka dhacay hoolka shirarka ee Jowhar.

Waxaa magaalada saaka kaga horeeyay taliyaha nabad sugida Generaal Gaafow, Taliyaha booliska iyo gudoomiyaha gudiga doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Kulamo kala duwan ayuu la qaatay Keating madaxweynaha maamulka HirShabeele iyo ku xigeenkiisa, kaasi oo looga hadlayay xaalada guud ee doorashooyin iyo shaqaaqadii dhawaan magaalada ka dhacday.

Waxaa socdo dadaalo la doonayo in lagu dhameeyo khilaafkii ka dhashay doorashadii ay ku tartamayeen wasiirka dhalinyarada iyo ciyaaraha iyo musharaxa kale.

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in gudiga doorashooyinka ay doonayaan in wasiirka ciyaaraha ka joojiyaan musharaxnimada maadaama uu dansaday leyrkii hoolka kadibna dagaal uu dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News