Danjire America oo dhiig ugu deeqay dhaawacyadii Westgate. “Sawirro”

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalka kenya Maxamed Cali America  ayaa ugu deeqay dhiigiisa dadkii waxyeelada ama dhaawacyada ka soo gaaray weerarkii maalintii shalay niman hubeysan ku qaadan barta ganacsi Westgate ee ku taala Magaalada Nairobi ee dalka kenya.

Weerarka Westgate lagu qaaday oo ilaa iyo maanta oo axad ah socda ayaa waxaa ku dhintay ka badan 40 ruux iyadoo dhaawacyadana ay gaarayan in ka badan 16o ruux.Ciidamada dalka kenya ayaa cadaadis saaraya kooxaha hubeysan oo weli ku jira dhismaha Westgate.

Sawiro la soo qaaday ayaa muujinaya Safiir Maxamed Cali America oo dhiig u shubaya dadkaas ku dhaawacmay weerarkaas.

ameri

Danjire Maxamed Cali ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyed ee ku nool guud ahaan kenya iyo gaar ahaan Magaalada Nairobi inay is dejiyan isla markaana ay caawiyan dadka soomaalida ee wax ka soo gaaray weerarkaas iyadoo shalayna la soo sheegay in dadkii ku dhintay weerarkaas uu ka mid ahaa nin lagu magacabo Yaasiin oo ka tirsanaa hay’ada Iida.

Dhinaca kale Danjire Maxamed Cali America ayaa ugu tacsiyeeyay dadka reer kenya mashaqada ka soo gaartay weerarkaas waxaa uu sheegay in weerarka uu ahaa fal argigixiso ah oo fulinimo ah.

“Anigoo ku hadlaya Magaca Dowladda Soomaaliyed waxaan Tacsi u diray dadka kenya”ayuu yiri Danjire Maxamed Cali America oo hadlay wax yar kadib markii dhiig u shubay dadkii ku dhaawacmay weerarkaas.

Danjire America ayaa noqday diblomaasigii ugu horeeyay oo dhiigiisa ugu deeqay dadkii ku dhaawacmay weerarkii lagu qaaday dhismaha ganacsiga ee Westgate.

ameri1