KASHIFAAD: Afhayeenkii & Xogheyntii Faroole oo iska dhiibay dalka Sweden

Stockholm (Caasimada Online) – Sida ay inoo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan magaalada Garoowe waxaa caasimada dalka Swedan ee Stockholm iska dhiibay Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Axmed Cumar Xirsi (Libaax Joore) iyo labo xubnood kale, kuwaasi oo kala ah Xoghayenta Faroole Aadan Doolar iyo Xasan Shire oo ah Agaasimaha maamulka lacagta ee Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Libaax Joore ayaa kusoo baxay Fiiso uu C/raxmaan Faroole ka codsaday Safaaradda Swedan in la siiyo Afhayeenka Madaxtooyada Garoowe si uu ugu qeybgalo xafladda sanadguuradii 15-aad ee Puntland ee ka dhacday 14-ka bishan dalka Swedan.

Markii ay xafladda dhacday kadib ee la filayay in Libaax Joore uu ku laabto Puntland ayuu sheegtay xanuun iyo in laga helay cudurka Macaanka iyo Dhiig kar, sidaasi darteedna uusan ku laaban karin Puntland, wuxuuna iska dhiibay Swedan.

Weli wax sharci ah ma helin Libaax Joore iyo Labada mas’uul ee Xoghayaha Faroole iyo Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Dhamaan Fiisaha ay raggaasi ku tageen Swedan waa mid uu Safaaradda Swedan ee Nairobi uu ka codsady Faroole in la siiyo xubnahan oo maalmo kala horeeyay.

Arintan ayaa waxay muujineysaa in xubnahani aysan rajo ka qabin maamulka Faroole ee ay ka tirsanaayeen inuu sii jiri doonin maamulka C/raxmaan Faroole oo doorashada dhici doonto Janaayo dib ugu soo laaban doonin, waxayna door bideen in ay Yurub nolol ka raadsadaan.

Isha: Warfaafiye.com