Danjire Jamaal Barrow oo soo saaray dalab ka dhan ah safiirada jooga Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha Soomaaliya u qaabilsan dalka Nigeria, Amb. Jamaal Barrow ayaa si weyn u dhaliilay hab dhaqanka safiirada dalalka caalamka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho, wuxuuna arrin ka baxsan diblomaasiyadda ku tilmaamay inay maalin walba tegaan xafiisyada madaxda ugu sarreysa dowladda.

Jamaal Barrow oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa xusay in safiiradu ay dhex wareegaan xafiisyada dowladda iyada oo aysan ka warqabin wasaaradda arrimaha dibadda.

“Tusaale waxay dhex wareegaan xafiisyada dawladda heerarkooda kala duwan iyagoo Wasaaradda Arrimaha Dibedda ka warqabin, taasoo ah hey’adda u xilsaaran la macaamilka diblomaasiyiinta ajaanibta ah. Ilaa haddana lama hayo cid yac tiraahdo oo nidaamka sax ah ku toosiya,” ayuu ku yiri qoraalka uu soo saaray safiirka Somalia u fadhiya dalka Nigeria.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray “Waxa kaloo, nidaamka diblomaasiyadda baalmarsan in diblomaasi ajnabi ah dhambaal madaxdiisa ka sida si toos ah ugu gudbiyo madaxda ugu sareysa dalka,”.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Nigeria ayaa sidoo kale tilmaamay in arrintan ay tahay mid lala yaabo, wuxuuna intaasi raaciyey in xittaa aan la garaneynin cidda ballamisa.

“Arrimaha kaloo yaabka leh waxa weeyaan in baraha bulshada maalin kasta la soo dhigo sawiro diblomaasiyiin ajanabi ah oo la shirayo madaxda ugu sareysa dalka, lama yaqaano cidda balamahaas u fududeeysa,” ayuu markale ku yiri qoraalka uu soo saaray Jamaal.

Ugu dambeyn wuxuu soo jeediyey in arrintan wax weyn laga qabto, wuxuuna ka dalbaday wasaaradda arrimaha dibadda inay diyaariso xeer lagu hagayo diblomaasiyiinta shisheeye.

“Haddaba, si looga baxo fowdadan diblomaasiyadeed waxa waajib ah in Wasaaradda ay diyaariso xeer-nidaamiye hagaya diblomaasiyiinta dalka ka hawlgala, isla markaana ciddii ku xad-gudubtana lala xisaabtamo, sida ay sameeyaan dalalka adduunka oo dhan,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo kadib doorashadii 15-kii May ay xoogeysteen dhaq-dhaqaaqyada safiirada caalamka ay ka wadaan dalka, gaar ahaan Qatar iyo Imaaraadka.