Daraasad cusub: Laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da oo lumisay dhagaystayaal badan + Sababta.!!

Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da waxaa la aasaasay 18-kii July 1957, xilligaasi oo aan filayo 50% dadka Soomaaliyeed ee maanta nool inaysan wali dhalan. Ujeedka loo aasaasay waa inay codka iyo barnaamijyadeda gaarsiiso dadka Afka Soomaaliga ku hadla ee ku dhaqan Soomaaliya, Itoobiya, Kenya, Jabuuti iyo waliba Yeman. Heerar kala duwan ayay soo martay BBC laanta Afka Soomaaliga. Waxaa lagu bilabay labo barnaamij oo asbuucle ah oo midkiiba 15-daqiiqo soconayay, maantana waxay leedahay afar barnaamij, waxa sidaa kallifayna waa in loo arkay in dhagaystayaashoodu bateen.

Aan usoo daadago muhiimadda qoraalkan, in badan oo Soomaalida kamid ah waxay BBC Somali weli u tahay meesha ay xogta ka helaan, laakiin sidaasoo ay tahay waxay su’aal ka qabaan sida BBC Somali ay barnaamijyadeedu u miisaamanyihiin, isla markana dhex dhexaad ugu yihiin dadka gobollada Soomaaliya iyo deegaannada Soomaaliga looga hadlo.

Arimaha Daraasadda aan ku ogaaday.

Daraasaddan oo aan ku sameeyay muddo hal bil ah gaar ahan bishii September oo dhan, dhammaan barnaamijyada 4ta jeer baxa ee BBC Somali, waxaan ku ogaaday in tayadii barnamaijyada iyo isku dheellitirkii uu lumay. Sababta waxa kamid noqon kara tayada saxaifyiinta khibradda leh oo ku yar BBC Somali, iyo nin jeclaysi ka jira gudaha BBC Somali.

Xilliyadii BBC Somali ay maamulayaasha kasoo ahaayeen Maxamed C/laahi iyo Yuusuf Garaad, walow xilligaasi xataa Somaali ay qaar caban jirtay haddana tayada barnaamijyada iyo isku dheelli tirka dalka waa wanaagsanaa.

Dhammaan bishii September BBC Somali afarteeda barnaamij waxaa ka baxay warbixnno 270 war ama warbixinood oo Soomaaliya, oo ay ku jiraan dalalka Afsoomaaliga looga hadlo. Cel celis ahaan haddii halkii barnaamijba 2 jeer uu boxo waxay BBC Somali sii daysay 135 barnaamij bishaas.Barnaamijyadan qaar ayaa rogaal celis ahaan loogu soo daayaa idaacadaha danbe ee galabta iyo habaynkii, daraasaddaynda waxa ku jira dhamman barnaamijyada, xataa warbixintii 4 jeer soo laabatay waxaa loo xisaabinaya warbixin gaara .

Waxyaabaha la yaabka leh ee warbixinta lagu ogaaday ayaa ah, in wararka iyo warbixinnada ugu badan ee BBC Somali sii dayso ay kusaabsan sanyihiin Somaliland iyo Gobolka Soomaalidu degto ee Kenya. Bishii September ee sanadkan BBC Somali waxay sii daysay in ka badan 60 warbixin oo Somaliland kusaabsan, warbixinnadaasi badi waxay u badnaayeen horumarka, dib u dhiska iyo hal abuurka . Taasi macneheedu waa in 22% dhammaan barnaamijyada ka baxa BBC Somali afarteeda waqti ay Somaliland kusaabsan yihiin.

Arinta kale ee in lasheego mudan waxaa ay tahay in bishii September 35 barnaamij oo kusaabsan Gobolka Somalida Kenya inay bexeen, oo kala bar u badan dhinaca horumarka iyo dhacdooyinka iyo waraysiyo caadi ah, waxay ka dhigan tahay in 13% dhamman barnaamijyada BBCsomali afarteeda waqti ay kusabsan yihiin Somalida Kenya. Sababta arintaasi ugu wacan waxaan ku fasiri lahaa in BBC laanta Soomaaliga fariisin wayn looga sameeyay Kenya oo kaba shaqo badan xarunta Bush House. Sidaa daraadeed shaqaalaha xarunta Kenya Fadhiya waxay u bateen Soomaalida Kenya, oo ay ku yartahay aqoonta guud ee Soomaalida kale ay u leeyihiin, markaas wicitaankoodu wuxay u bateen deegaannada ay kayimaadeen. Ogoow oo wali arin khaldan maahan in Somalida Kenya warkeeda la baahiyo waa fiican tahay laakiin waxaa caadi u dhumay miisaankii.

Qodobka xusidda Mudan waxa ay tahay in gobollada Soomaalidu degto ee Itoobiya iyo Djibouti aysan BBC Somali waxba waraysi ama barnamij ah kasoo dayn , annagoo og in labadaasi deegaan ay kamid yihiin deegannada BBC Somali ay shaqadeeda kamid tahay inay warka gaarsiiso ayna joogaan dad Afka Soomaaliga ku hadla. Gobolka Somalida Itoobiya waxa laga soo daayay hal barnaamij bisha September oo dhan kaasna wuxuu dhinac ahaan ka quseeyay Somaliland. Waxaa halkaas kasoo baxay in laba deegaan oo Soomaali xul ah ay daggan tahay ay BBC iskaba illowday.

Barnaamijyada kusaabsan Puntland ee BBC ka baxay bishasi waxay ahaayeen 12 baahin, oo aan kusaabsanayn. 12-kaasi waxaa kamid ahaa;- warbixin ka hadlaysa, ciidamo gadooday oo Punland ah, warbixintaan 4ta barnaamijba waa lagu soo ceshay. Mushaar la’anta ciidamada Puntland oo ayana 4ta idaacadoodba lagu soo ceshay. Waxaa la ogyahay in Puntland uusan wariye u joogin BBC laanta afka Soomaaliga muddo dhowr sano ah sidii uu u tagay Axmed Kismaayo. Waxaa tusaale qosol badan ahaa in wariye macallimuu uu warbixin kusaabsan Xaafuun iyo Bari soo diray, ayadoo ay caadi u tahay in BBC laanta Soomaaliga ay waraysato wariyayal madax bannaan markii loo baahdo warar dheeri ah.

Caasimadda Soomaaliya wararka kusaabsan ayaa wax yar ka badnaa 25 baahin oo cel celis ahan u dhigmaya 9 warbixinood oo badankoodu kusaabsanaa dhacdooyin, iyo mooshinka xukuumadda, halka laba barnaamij oo qura ay kusaabsanayeen horumarka . Gobollada kale ee dalka Ayaan ayana helin wax warbixino tayo leh , hase ahaatee waxaa warar kajireen jaaliyadaha Soomaalida, ee dalalka Maraykanka,

BBC Somali waxaa ka tagay saxafiyiin ruug caddaayaal ah, waxaana baddalay saxafiyiin da’yar , xilliga isbdelkaasi dhacayna waa waqti ay hawada soo gashay idaacadda kaliya ee tartanka adag la gashay BBC Somali oo ah VOA Somali, oo hadda ay jogan saxafiyiin ka khibrad badan kana af-Soomalai wanaagsan kuwa hadda jooga BBC-da

Gabo-Gabo

Waxaa cad in saddex dal oo Afka Soomaaliga looga hadlo inaysan BBC Somali wax mudnaan ah siin, waxaana kamid ah Itoobiya, Jabuuti iyo Yemen. Dadyowga saddexdan dalna waxay ahaayen kuwii daraasadda laga soo sameyay markii la aasaasayay BBC Somali. Waxaa kaloo cad in BBC Coverage-keeda marka la isku daro NFD iyo Somaliland ay ka badan yihiin dhammaan Soomaaliya inteeda kale.

Mahadsanidiin

Abdi yuusuf,

Abdiyuusuf641@gmail.com