Xasan Sheekh oo hal arrin lagu cadaadinaayo iyo beesha caalamka oo ka hor-timid (Faah-faahin).!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan xubnaha BF Somalia ayaa xaqiijiyay in Madaxweyne Xassan lagu cadaadinaayo in muddo kordhin uu u sameeyo Xildhibaanada BFS.

Xildhibaanadii culeyska Mooshinka ka dulqaaday Xassan Sheekh, ayaa Madaxweynaha ku cadaadinaya inuu wakhti kordhin u sameeyo, waxaana lasoo warinayaa in shuruudaha ay la galeen Jawaari ay kamid aheyd wakhti kordhinta.

Xildhibaanada oo kulamo kala duwan Madxaweynaha iyo Jawaari kula qaatay Madaxtooyada ayaa ka dalbaday in loo soo dadajiyo wakhti kordhinta, waxaana jiro caqabad taasi ka duwan oo uu Xassan Sheekh kala kulmaayo Beesha Caalamka.

Wakiilada Beesha Caalamka ka jooga Somalia ayaa Xassan ku cadaadinaaya inuusan ku hamin wakhti kordhin, waxa ayna ku doodayaan in hanaanka Siyaasadeed iyo qodobadii kasoo baxay shirkii wadatashiga uusan maslaxad u aheyn in lagu dhaqaaqo wakhti kordhinta ay doonayaan garabkii Mooshinka xalka ku bedeshay.

Beesha caalamka ayaan ku qanacsaneyn in Xassan Sheekh uu Xildhibaanada heshiis kala galo arrimaha wakhti kordhinta la xiriirta, waxa ayna arragti ahaan yihiin kuwa qaba in BFS lagu soo bedelo kuwo da’ yar ah.

Waxyaabaha Beesha Caalamka ay ku dhaliilayaan Xildhibaanada ku jira Baarlamaanka iminka jira ayaa waxaa kamid ah Mooshino xiriir ah iyo in Siyaasada Somalia ay u rogeen mid laga tabcado dhaqaale.

Lama oga waxa la gudboonaan doona Madaxweyne Xassan waxaase muuqata in labada dhanba uusan ka maarmi karin amaba uusan ku sameyn karin amar diido.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com