GALMUDUG oo garoon diyaaradeed yeelatay.!!!!

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, ayaa shalay markii ugu horeysay Diyaarad kaga tagay garoon diyaaradeed oo Galmudug leedahay kuna yaala magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.

Garoonka diyaaradaha ee kuyaala koofurta magaalada Gaalkacyo ayuu sheegay Guuleed inuu daboolayo baahiyihii dhanka duulimaadyada ee heystay shacabka ku dhaqan deegaanada Galmudug.

Garoonkaasi ayuu sheegay in looga imaan karo gobolada kala duwan ee dalka iyo dibada uuna yahay mid caalami ah oo maamulka Galmudug ka hirgeliyay koofurta magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kale madaxweyne Guuleed ayaa fariin  u diray madaxweynaha maamulka Puntland C/welli Maxamed Calli Gaas, taasi oo aheyd iney ka wada shaqeeyaan xiisado ka taagan deegaano u dhaxeeya maamulada Galmudug iyo Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Galmudug dadaal badan u galayo sidii loo dhameyn lahaa dagaal beeleedyada ka dhaca deegaanada ku yaala xuduuda ay wadaagaan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug.

Caasimada Online
Xafiiska Galmudug
Caasimada@live.com