Xog: CC oo ka cago jiidaya qorshaha Xasan Sh.

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ilo xog ogaal ah inoo xaqiijiyeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka cago jiidaya inuu ogolaado isku shaandheyn lagu sameeyo golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya.

Qorshaha wax ka badalida golaha wasiirada ayaa waxaa damacsan madaxweynaha Soomaaliya, waxaana horay looga dhaadhiciyay afhayeenka baarlamanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Jawaari.

Madaxweynaha iyo Gudoomiye Jawaari, ayaa horay iskula gartay in xildhibaanada ku kacsan madaxweynaha qaarkood ee mooshinka diyaariyay lagu soo daro liiska wasiirada si loo qanciyo.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa iska indho tiraya qorshaha ay damacsan yihiin madaxweynaha iyo afhayeenka baarlamaanka Soomaaliya.

Qorshaha ugu weyn ee laga leeyahay isku shaandheynta wasiirada ayaa lagu sheegay iney tahay doorashada sanadka soo socda 2016 kuwo ka shaqeeya soo laabashada Xasan Sheikh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com