Xasan oo 3 waxyaabood kala hadlaya Sacuudiga

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa u duulay dalka Sacuudiga kadib casuumaad madaxweynaha uu ka helay boqorka dalka Sacuudiga.

Daahir Maxamuud Geele, safiirka dowlada Soomaaliya ee dalka Sacuudiga ayaa faahfaahin dheeri ah ka bixiyay safarka madaxweynaha uu ku tagayo dalka Sacuudiga.

Daahir Geele, ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya uu la kulmi doono boqorka dalka Sacuudiga, isaga oo kala hadlayo seddex waxyaabood, sida safiirka Soomaaliya ee Sacuudiga uu sheegay.

Waxyaabaha uu madaxweynaha kala hadlayo boqorka Sacuudiga ayuu ku sheegay Daahir Geele, arimaha amaanka, dhaqaalaha iyo taageerada Dowlada Sacuudiga ee dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale safiirka ayaa sheegay in laga shaqeyn dooni sii wanaajinta xiriirka u dhaxeeya labada dowlad ee Sacuudiga iyo Soomaaliya, laakiin warar aan heleyno ayaa sheegaya in arimo siyaasadeed sidoo kale laga wada hadli doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com