Puntland oo beenisay in heshiis uu dhexmaray dowladda Soomaaliya iyo Maamul goboleedyada

Garowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa been abuur ku tilmaamay iney hishiis la galeen dowlada Soomaaliya kaasi oo dhigaya qeybsiga qeyraadka dalka, kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ciise Maxamuud Faarax, oo ah agaasimaha hayada macdan iyo Shidaalka Puntland oo saxaafada la hadlay ayaa beeniyay in maamulka Puntland uu saxiixay hishiis dhigaya  qeybsiga Qeyraadka Shidaalka ee dalka Soomaaliya.

Ciise Dholowaa, ayaa sheegay in shir ka dhacay todobaadkii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho kaliya uu ku saleysnaa habka ugu macquulsan ee arimahaasi loo meel dhigi karo, balse uusan jirin hishiis buuxa oo dhacay.

Sidoo kale wuxuu sheegay in shirka goobjoog ka ahaayeen wakiil ka socday maamul goboleedyada dalka iyo dowlada federaalka Soomaaliya, islamarkaana la sameeyay gudiyo dhinacyadaasi kala matalaya.

Gudiyada ayuu sheegay iney ku howlan yihiin shaqooyinkii loo diray, islamarkaana aysan jirin hishiis gaar ah oo qeybsiga Qeyraadka dalka dhigaya oo dhexmaray dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Dhawaan Wasiirka Macdan iyo batroolka Soomaaliya ayaa sheegay inuu dhacay hishiis u dhaxeeyay dowlada Soomaaliya iyo maamul goboleedyada, kaasi oo sharaxayay habka qeybsiga qeyraadka dalka haddii lasoo saaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com