Darawal gaari oo shan kun shilin Soomaali ah loogu dilay magaalada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ku dilay mid kamid ah darawalada kaxeeyo baabuurta dadweynaha ee loo yaqaan Homey.

Goobjoogaal ku sugnaa halka uu dilka ka dhacay ee Ex-Control Afgooye ayaa Caasimada Online u sheegay in askariga dilka geystay iyo darawalka la dilay uu dhex maray muran kadibna horseeday dilka.

Askariga dilka geystay ayaa lacag dhan 5 kun oo Shillin Soomaali ah waydiistay darawalka waday gaariga dadweynaha, balse darawalka ayaa ka biyo diiday inuu lacagtaas bixiyo waxaana xigay rasaas uu askariga ku furay darawalka dhintay.

Sida ay goobjoogayaal u sheegeen Caasimada Online, Askariga dilka geystay ayaa goobta isaga baxsaday xilli ay goobta ku sugnaayeen askar kale oo ka tirsan kuwa Dowladda ee Ex Control lacagaha uga qaado gawaarida.

Todobaadkii lasoo dhaafay ayey aheyd markii Askari ka tirsan Ciidanka Booliska uu Odey da’ah ku dilay Isgoyska Ceel-gaabta ee Degmada Xamarar-Jajab ee Gobolka Banaadir, wuxuuna falka yimid muran ka dhashay xabad sigaar ah.

Dilka ay geysanayaan askarta ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa kusoo badanayo Magaalada Muqdisho, waxaana taas loo sababeeyaa inaan la ciqaabin askariga dilka geysto.