26.6 C
Mogadishu
Sunday, March 15, 2026

Darbigii Kenya ay xuduuda ka dhiseysay oo Somalia soo galay iyo guryo badan oo ay burburisay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, ayaa sheegaya in dowladda Kenya ay dhismaha darbigii ay ka waddaay xuduuda si toos ah iminka usoo gelisay dhulka Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in Kenya oo markii hore darbiga xooggiisa ka dhiseysay xuduudda saddex xagalka ee kala qeybisa Soomaaliya, Kenya iyo Ethiopia ee dhinaca waqooyi, ay hadda darbiga soo gelisay dhinaca Soomaaliya.

“Darbiga waxa ay shalay dhismihiisa ka billowday dhinaca koonfureed ee Beledxaawo, ee jidka looga baxo Ceelwaaq” Waxaa sidaas sheegtay haweeney ka mid ah dadka deegaanka oo Caasimada Online la hadashay, balse codsatay inaan la magacaabin.

Cagaf cagafyada Kenya ee falaya dhulka laga dhisayo darbiga, ayaa sidoo kale burburiyey guryo u badnaa carshaan oo ku yaallay dhinaca Beledxaawo oo dad Soomaaliyeed ay lahaayeen.

“Dalkeena ayaa na loogu yimid, oo guryaheena ayaa la burburinayaa cid ka hadleysana ma jirto” ayey tiri haweeneyda la hadashay Caasimada Online.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin arrintan.

Dhinaca kale, maamulka gobolka Gedo ee hoostaga Axmed Madoobe, ayaa lagu armay inaysan ka hadli karin arrintan, haddii ay ka hadlaanna ay beeniyaan, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

 

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News