25 C
Mogadishu
Thursday, January 15, 2026

Sawirro: Weerar dhimasho leh oo Yahuuda loogu qaaday nawaaxiga masjidka Al Aqsa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Weerar ay fuliyeen kooxo hubeysan ayaa maanta ka dhacay nawaaxiga masjidka weyn ee Al Aqsa ee magaalada barakeysan ee Qudus.

Weerarka ayaa waxaa lagu qaaday ciidamada Yahuudda, kuwaas oo ku sugnaa nawaaxiga masjidka oo uu ka dhacay weerarka.

Warbaahinta Israa’iil waxay sheegtay in toogashadaasi ay ka dhacday qaybta qadiimiga ah ee magaalada oo u dhaw masaajidka barakaysan ee Al Aqsa oo ay Yuhuudduna u taqaanno Temple Mount.

Saraakiisha Booliska Isra’el ayaa weerarka ku eedeeyay dhalinyaro kasoo jeeda Falastiin kuwaa oo weerarka kadib goobta ka baxsaday, balse laga daba tagay oo la toogtay.

Saraakiisha ayaa sheegay in weerarka ay soo qaaden ilaa saddex qof oo dhalinyaro ah kuwaa oo ku hubeysnaa hubka fudud iyo mindiyo.

Weerarka ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 2 qof ruux, halka uu dhaawac kasoo garay tiro kamid ah ciidamada Isra’iil.

Talaabadaani ayaa timid kadib markii ciidamada Isra’el ay is hortaag ku sameeyen boqolaal muslimiin ah oo u cibaada doonanaayay beerta masjidka weyn ee Al Aqsa ee magaalada barakeysan Qudus.

SAMSUNG CSC

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News