Laascaanood (Caasimada Online) – Maamulka Waqooyi Bari ayaa dhameystiray dastuurka cusub ee dowlad-gobolka, kaasi oo xalay si rasmi ah loo dhaqan-geliyay.
Hoggaamiye Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo ka hadlay munaasabadda dhaqan-gelinta dastuurka Waqooyi Bari ayaa sheegay in dastuurka cusub uu kala xadeyn doono awoodaha qeybaha kala duwan ee hay’adaha ay ka kooban tahay dowlad goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya.
Dastuurkan ayuu sheegay inuu nidaaminayo hanaanka dowladnimo ee is-xukunka iyo maamulka ee Waqooyi Bari, kaasi oo lagu dhisay magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka.
“Maanta wixii ka dambeeya xeerarka iyo shuruucda noo yaalla waxaa ugu sareeya dastuurka aynu dhaqan-gelinay,” ayuu yiri Hoggaamiye Firdhiye.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dastuurka dhaqan-galay uu Waqooyi Bari ka dhigayo maamul buuxa, isla markaan uu meesha ka saaraya khilaafaadka siyaasiga ah.
“In aynu kala xadidno qeybaha maamulkeena oo kala saarno awoodahooda, oo aan qaabeysano sida aan isku maamuli laheyn wax sahlan maaha,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay hoggaamiye Firdhiye.
Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya, Cali Xoosh oo magaalada Laascaanood u joogay dhameystirka maamulkan cusub ayaa bogaadiyey guddiga dastuurka, oo uu sheegay inay door shariif ah ku leeyihiin in Waqooyi Bari uu noqdo maamul hanaqaada.
“Waxaan dhaqangelinay Dastuurka cusub ee dowlad goboleedka Waqooyi Bari ee Soomaaliya oo qeyb ka noqoneysa dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, kaas oo guddiga Dastuurku dadaal badan kusoo bixiyeen,” ayuu yiri Wasiir Cali Xoosh
Si kastaba, maamulkan cusub ayaa ah natiijo toos ah oo ka dhalatay colaad dhiig badani ku daatay, taas oo marxaladdo kala duwan soo martay, ugu dambeyntiina dhashay maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya
Hoos ka daawo muuqaallada