25.9 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Davutoglu: Culeyska iyo khilaafka Erdogan waxa uu sahlay is casilaadeyda (Xiisad ka jirta Turkey)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, Ahmet Davutoglu, ayaa Magaalada Ankara ee Caasimadda Turkiga kaga dhawaaqay inuu xilka iska casilaayo.

Ra’iisal Wasaaraha Turkiga, ayaa wuxuu sheegay in khilaaf uu soo kala dhex galay isaga iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan.

Wuxuu sheegay in khilaafkoodu uu ka dhashay Madaxweynaha oo doonaaya in uu xoojiyo awoodda Madaxtooyada iyo wax ka bedel uu ku sameeyo Dastuurka Qaranka.

22-ka bishan, ayaa waxaa lagu wadaa in Xisbiga talada haaya ee AK uu shir deg deg ihi isugu yimaado, waxaana macquul ah in halkaasi uu kaga dhawaaqo is casilaadiisa.

Ahmet Davutoglu, ayaa sheegay inaanu sii raadin doonin in dib loogu soo doorto Hogaamiyaha Xisbiga AK. Ninka hogaamiya Xisbiga ayaa noqda Ra’iisal Wasaaraha.

Madaxweyne Erdogan oo ay Arbacadii is arkayn Ra’iisal Wasaarihiisa, ayaa waxaa la sheegay inaanay labaduba u suurtagelin inay xaliyaan khilaafkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News