Daweynta dabiiciga ee kacsi la’aanta !!

Borotiinnada laga helo cuntooyinka ay kamidka yihiin Hilibka cad sida Kalluunka iyo Digaagga iyo weliba Caanaha iyo Farmaajada cadi waxa ay sameeyaan hormoonno kordhiya kacsiga iyo rabitaanka ragga.

Fitamiin A waxa uu kamid yahay waxyaabaha aan looga maarmin tamarsiinta habdhiska taranka ninka, isaga oo awood siiya qanjirka Borostaatka iyo Qooraha, kana qaybgala cusbooneysiinta unugyada dhinta iyo dardargelinta kuwa tabarta daran. Fitamiin A waxa uu ka buuxaa Karootada iyo khudaarta iyo furutada fareeshka ah inteeda badan.

Fitamiin B1 isagu waxa uu gacan ka geeystaa xoojinta qanjirrada taranka iyo firfircooneynta insiimada qabta shaqooyinka bayolojiyeed ee jirka. Ninka uu fitamiinkaasi ku yaryahay waxaa ku dhaca tabar-darri, rabitaan la’aan iyo geedka oo ka raaracsama  hawshii galmadana si wanaagsan u gudan waaya.

Fitamiin D, waxaa loogu yeeraa (Fitamiinka Jinsiga), maxaa yeelay waxa uu kamid yahay waxyaabaha ugu waxtarka badan ee lagu daaweeyo madhalaysnimada. Wuxuu door weyn ka cayaaraa daryeelka tubbooyinka xawada ee ku jira xiniinyaha ragga, yaraantiisuna waxay kamid tahay waxyaabaha ugu badan ee ragga madhalaysnimada ku dhaliya. Fitamiinka waxa laga helaa khudaarta caleenleyda ah iyo Firileyda sida Qamadiga.

Cuntooyinka la caddeeyey waxtarkooda waxa ugu horreeya kuwa caloosha dhaqso ugu shiidma, jirkana degdeg uga baxa:

–  Kalluunka iyo Aragoostada:- Waxay kamid yihiin waxyaabaha Borotiinnada iyo Fitamiinnada laga helo kuwa ugu wanaagsan.

–  Hilibka Digaagga iyo Ukunta:- Degdeg bay xiidmaha ugu shiidmaan, xawadana waa ay kordhiyaan.

–   Shimbiraha: Sida Booloboolada, Dagiiranka, Qoolleyda, iwm., hilibkoodu waxa uu faa’iido gaar ah u leeyahay bekra-jebinta, waxaana arrintaasi bariga dhexe laga ogaaday kumanaan sano kahor. Masaaridu ilaa iyo maantadaan la joogo qoyska cusub hilibka Shimbiraha uunbay uqooshaan habeenka aqalgalka.

– Xummuska: Xumuska keligii ama isagoo malab lagu iidaamay. Caalimkii la oran jiray Ibnu Siinaa waxa uu qoray in Xummusku kordhiyo ragannimada iyo rabitaanka jinsiga, sidaa daraadeed waxa calaf looga dhigi jiray Faraska labka ah iyo Ratiga kolka la rabo inay dheddigooda abaahiyaan.

– Basasha:- Basashu Geedka way kicisaa, xawadana kordhisaa.

– Baqdooniska (Parsley):- Waxaaba loo yaqaan Fitamiinka ubad dhalista.

– Timirta:- Timirta waxaa ku jira Fitamiin D, madhalaysnimada ka hortaga, waxanay culimada qaar u yaqaannaan (Fitamiinka Taranka).

– Jarjiirka (Rocket):- Waxa uu kordhiyaa samayska xawada iyo awoodda jinsiyeed ee ragga.

– Karootada:- Waxay gacan ka geysataa daaweynta tabar-darrida guud ee jirka oo ay ku jirto ta jinsigu.

Karafiska (Gelery):- Waa firfircooneeye jinsiyeed fariid ah, waxaana loo isticmaalaa ansalaato ahaan.

–  Xabbat Sowdada:- Xawada ayay kordhisaa.

–  Heylka:- Heylka ay Soomaalidu shaaha ku darsadaan, waxa uu firfircooneeyaa wareegga dhiigga iyo rabitaanka jinsi ee qofka.

–  Sacfaraanka:- Ubaxa Sacfaraanka waxaa ku jira maaddooyin kordhiya awoodda jinsiga.

–  Lowska: Lowska (Fuul Suudaaniga) isaga waxaan lagula tartameyn kordhinta tirada iyo tayada xawada, iyadoy weliba intaa u dheer tahay kacsiga ninka iyo culayskiisa oo uu kordhiyo.

– Sanjabiilka: Sanjabiilku caarkana wuu adkeeyaa calooshana jilciyaa, wuxuuna si gaar ah u cajabiyaa ragga cimrigoodu hore u batay.

– Cabitaannada: Cabitaannada qaar baa jira kordhiya xawada, mar walba oo uu ninku cabana kacsi la miyir beelo , waxana ugu horreeya Qorfaha iyo Xulbada.

W/D: Sabriye Macalin Muuse