Xasan Sh & Damu-Jadiid oo wax aysan fileyn la kulmay & dadaallo ay wadaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo kooxda Damu-Jadiid, ayaa shalay illaa xalay Muqdisho ka waday dadaallo xooggan oo ay ku kasbanayaan codad badan, ka hor inta aanu baarlamanka qaadin mooshin ayaga ka dhan ah, talaadada beri.

Baarlamanka, ayaa shalay maalinta talaadada u waqtiyeeyey in codka loo qaado mooshin ka dhan ah in xukuumadda cusub lagu soo daro wasiiradii horey uga tirsanaa xukuumaddii Saacid.

Waxa uu mooshinka si gaar ah u saameynayaa madaxweynaha iyo kooxdiisa, maadama inta badan wasiirada la diidan yahay ay yihiin kuwa Damu-Jadiid sida Faarax Cabdul Qaadir iyo Cabdi Kariim Guuleed.

Ilo xog ogaal ah, ayaa Caasimada u xaqiijiyey in xalay aan Villa Somalia laga hoyin, ayada oo madaxweyne Xasan iyo kooxda Damu-Jadiid ay ka cabsi qabaan guul darrooyin siyaasadeed oo kusoo wajahan.

Haddii mooshinka talaadada uu guuleysato waxa ay ka dhignaan doontaa in kooxda Damu-Jadiid ay iska weyso golaha wasiirada cusub, taasi oo meel cidlo ah soo joojin doonta madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan, oo xukuumaddii Saacid ku lahaa wasiiro badan oo Damu Jadiid ah, ayaa waxa ay u xog warrami jireen isaga, ayaga oo aan wax wada shaqeyn ah la lahayn ra’iisul wasaarahoodii Saacid, oo ay magac u yaaal k dhigeen.

Ra’iisul Wasaare Cabdi Weli Sheekh, oo ka cabsi qaba inay ku dhacdo sidii Saacid oo kale, ayaa kasoo horjeeda inuu soo magacaabo wasiiradii hore.

“Ra’iisul wasaaraha dooni maayo wasiiro aan isaga dhageysan, oo haddii khilaaf uu yimaadana is-casilaad ugu hanjaba, ayaga oo u daneynaya madaxweynaha” ayuu yiri xubin ku dhow xafiiska Cabdi Weli.

Madaxweyne Xasan Sheekh, ayaa markii uu Cadbi Weli magacaabayey waxa uu shuruud uga dhigay inuu xubnaha uu wato uu magacaabi doono, hase yeeshee sida muuqata Cabdi Weli, ayaa markii uu xaqiijiyey in la magacaabay wuxuu ka cayaarayaa maskaxdiisa, maadaama Xasan Sheekh anuu la laaban karin magacaabista.

Muddo bil ah, ayaa dowladda Somalia waxa ay iminka u xayiran tahay danta gaarka ah ee dhowr shaqsi oo doonaya in wasiiro loo magacaabo.

“Shalay ayagaa noo yimid, oo na yiri xukuumaddeena way qabsan weyday howsheeda ee ha nala rido, maantana ayagaa doonaya in dib loo magacaabo, mana ka yeeli doonno” waxa ay kuwaasi ka mid ahaayeen erayadii ay shalay xildhibaanada ka yiraahdeen fadhiggii baaarlamanka.

Xildhibaano badan oo ka faa’ideysanaya jahwareeka siyaasadeed ee haysta Xasan Sheekh iyo Damu-Jadiid, ayaa kordhiyey qiimaha codadkooda, ayada oo la sheegay in qaar ka mid ah ay codkiiba ku gadanayaan 20 kun oo dollar, si ay u fashiliyaan mooshinka ka dhanka ah wasiirada Damu-Jadiid.

Su’aashu waxa ay tahay Xasan Sheekh iyo Damu-Jadiid maanta illaa caawa ma ku kasban karaan codad ku filan ka hor inta aan beri codka loo qaadin mooshinka.

Wixii xog ah ee soo kordha, ha ka dheeraan Caasimada Online Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com