Cali Khaliif Galayr: Xasan Sheekh ayaa ka darran Maxamed Siyaad Barre

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaan Cali Khaliif Galleyr ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh uu la mid yahay madaxweynihii kacanka AUN Maxamed Siyaasad Barre, oo afgambi ku qabday dalka sannadkiii 1969-kii.

Cali Khaliif oo ka hadlaayay mooshin laga keenay wasiirradii xukuumaddii hore ee kalsoonida lagala noqday in lagu soo daro xukuumadda cusub, ayaa shegeay in arrintaas ay muujineyso sidda dalka ay u maamulaan koox yer oo madaxweynaha ku xiran sidda uu hadalka u dhigay.

Wuxuu tilmaamay in wasiiro horrey u dhahay waxbaan qaban weynay maxaa keenay in ay soo laabtaan oo lagu soo daro xukuumada “Annigu ma fahmin”

“In la xukuumadda cusub lagu soo daro wasiiro waajibaadkoodii gudan waayay waa ayaan daro, laakin madaxweynaha waxaad moodaa in uu la mid yahay ama ka darran yahay Maxamed Siyaad Barre oo awood lahaa, malaha ciidankii awooda badnaa ayaa ka maqan ee waa isku mid” ayuu yiri.

Cali Khaliif ayaa madaxweynaha ka codsaday in uu ku ixtiraamo xukuumada la soo dhisaayo ra’iisal wasaaraha maadama ay shaqadiisa tahay.

Wuxuu kaloo tilmaamay in dhaqanka ah in madaxweynuhu uu gallaangal ku yeesho magacaabista golaha wasiiradda uu soo billowday sannadkii 2000 xilligaas xukuumadii uu ra’iisal wasaaraha ka ahaa dowladii Cabdiqaasim, wuxuu eeda u saaray dasruurka KMG ah oo aan kala qeexeynin awoodaha madaxda, ayuu yir.

Hadalka Cali Khaliif Galey, ra’iisal wasaarihii horre Soomaaliya, ayaa ku aadaya iyado maalintii shaley baarlamaanka ay ka doodeen in lagu soo daro xukuumada cusub cwasiiradii horre iyo in kale.

Maalinta berri ayaa loo ballan san yahay in codka loo qaado, wasiiradii horre in lagu soo daro xukuumadda cusub iyo in kale, mana cadda sidda ay wax noqon doonaan, in kastoo kulamo ay ka socdaan xarumaha dowladda oo ay ku jirto Villa Somalia.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com