Faroole oo xilka wareejinaya iyo xaflad ka socota Garoowe

Garoowe (Caasimada Online) Magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland waxaa iminka ka socota qaban qaabada xaflad ay xilalka ku kala wareegayaan madaxweynaha cusub Puntland iyo madaxweynihii horre.

Xafladda oo ka socota xarunta madaxtooyada ee Garoowe, ayaa waxaa la filayaa in ay ka soo qaybgalaan mas’uuliyiin, diplomaasiyiin, iyo marti sharraf kale oo lagu casuumay.

Madaxweynihii horre Cabdiraxmaan Faroole ayaa looga adkaaday hal cod kaddib doorasho xasaasi ah oo toddobaadkii horre ka dhacday xarunta golaha wakiilada Puntland.

Madaxweynaha cusub ee Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shaley ka hadlaayay munaasabad xilka ay ku kala wareegayeen guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Puntland iyo kii horre ayaa sheegay inuu xiriir dhow la yeelan doono golaha wakiillada ee maamulkiisa.

Wuxuu kula dardaarmay inuu xoojiyo horumarinta adeegga baarlamaanka, isagoo u mahad-celiyay golahii hore ee baarlamaanka oo uu ku ammaanay waxqabadka shantii sano ee ay xilka hayeen.

Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) ayaa Jimcihii sheegay in 21 maalin uu ku soo dhisi doono golihiisa wasiirrada.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Garoowe

Caasimada@live.com