R/W Cabdi Weli oo la kulmay cadaadis ku aadan xulista golaha wasiirada

Muqdisho (Caasimada Online) Ilo xog-ogaal ah oo la hadlay Shabakadda Caasimada Online, ayaa xaqiijiyay ra’iisal wasaare Cabdiweli in ay heestaan caqabado waaweyn oo ku aadan soo magacaabista xubnaha cusub ee wasiiradiisa.

Meelaha uu caqabadaha kala kulmaayo ra’iisal wasaaraha

Waxaa ugu horreeya madaxweynaha iyo kooxda Dam-Jadiid kuwaasoo doonaya in la soo celiyo xubno horrey uga tirsanaa xukuumadii Saacid, arrintaas ra’iisal wasaaraha waa ka goos adeegayaa oo ma rabo in uu ku soo daro xukuumadiisa, waayo wuxuu ogyahay in uu la kulmi doono caqabado hor leh.

Ra’iisal wasaaraha ma ahan nin siyaasadda ku soo jiray waana uu ku cusub yahay howsha loo dhiibay, waxaa kaloo uu ku jahwareersan yahay cayaarta ay cayaarayaan madaxweynaha iyo kooxdiisa.

Sidoo kale, ra’iisal wasaaraha waxaa ka dhammaan la’ odayaal iyo siyaasiyiin kaabo qabiilo ah, kuwaasoo leh waa in qof hebel naloogu daraa golaah wasiiradda cusub, haddii kale “kow kish malahan”

Xildhibaanno ka dhammaan la’ xafiiska ra’iisal wasaaraha.

Waxaa la ogaaday xildhibaanno xafiiska ra’iisal wasaaraha ku soo laab laabta kuwaasoo codsanaya in lagu soo daro xukuumadda cusub.

Madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha ayaa hadda kulamo la leh xildhibaanno diiddan in la soo celiyo wasiiradii horre, si maalin berri loo meel mariyo in la soo celiyo xubnihii horre.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com