Ajaaniib lagu afduubtay MUQDISHO !!

Muqdisho (Caasimada Online) Magaalada Muqdisho, waxaa maanta lagu afduubtay seddax qof oo ajaaniib ah, kuwaasoo u dhashay dalka Kenya.

Afduubkan raggan Kenyaatiga ayaa ka dhacay xaafad ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in ay afduubteen kooxo watay baabuur, mana cadda halka ay la aadeen.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in ragga la afduubtay ay ahaayeen Injineero, waxaana magaalada Keenay ganacsato Soomaali ah, kuwaasoo rabay in ay dhistaan Kaalin Shidaal.

Ma cadda kooxda afduubatay seddaxda qof ee Kenyaatiga ah halka ay ka tirsan sababtaa ay u afduubteen.

Magaalada Muqdisho waxaa ku sugan Kenyaati fara badan kuwaasoo howllo shaqo ka wadaa, waxaana ka mid ah Internetka iyo Idaacadaha ayaa sameeyaan.

Magaalada Muqdisho ammaankeeda maalmihii dambe ma wanaagsaneed, waxaana sannadkii la soo dhaafay lagu dilay haweeney macalimad ka ahayd mid ka mid ah Jaamacadaha Magaalada, taasoo u dhalatay dalka Uganda.

Kenya iyo Uganda ayaa ciidamo ay ka joogaan Soomaaliya, kuwaasoo qayb ka ah howgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com