Prof. Samatar oo beddelay mowqifkiisa ku aadanaa midnimada Somalia

London (Caasimada Online) Professor Ahmed Ismaaciil Samatar, oo sannadkii 2012-ka isku soo taagay doorashada madaxweynaha Soomaaliya, ayaa sheegay in wixii hadda ka dambeeya uu ka shaqeen doono siddii ay Soomaaliya u kala go’i lahayd isla markaana Somaliland ay u noqon lahayd dal ka gi’day Soomaaliya oo dhan.

Wuxuu hadalkan ka shegay xaley Jaamacadda Queen Mary ee magaaladan London, halkaas oo ay ka soo qayb galeen dhowr boqol oo qof oo ka soo jeeda Somaliland.

Markii uu kulanka soo dhammaaday ayuu la hadlay BBC-da wuxuuna tilmaamay in markii uu arkay wax badan uu go’aansaday in Somaliland ay hesho aqoonsi caalami ah, in ay horrumar sameeyo.

Wuxuu xusay in Somaliland ay horrumar ka sameesay dhinaca ammaanka, dhaqaalaha iyo dimuquraadiyadda sidda uu hadalka u dhigay.

Professor Axmed, oo muddo 30 sano ah culuumta siyaasadda iyo dhaqaalaha ka dhigayay jaamacad Maraykanka ah, 18 sannadoodna madax ka ahaa qaybta culuumta uu ku takhasusay, isla markaana qoray ilaa shan buug iyo 70 maqaallo kala duwan, waxaa uu muddo dheer u hadli jiray midnimada Soomaalida hase ahaatee waxaa uu haatan u go’ay dhinaca goosashada Somaliland.

Wuxuu ka dhawaajiyay markii uu booqday sannadkii horre Somaliland in khudbado ka jeediyay dhowr Jaamacadood oo ay kuyaalla Hargeysa iyo Burco.

Prof Samatar, ayaa mowqifkiisa badalay, kadib markii uu ku hungoobay doorashadii Madaxtinimo ee Muqdisho ka dhacday Sanad kahor, taasoo lagu doortay Madaxweyne Xasan Shiikh.

Su’aasha is weydiinta mudan, ayaa waxay tahay, Prof. Axmed Midnimada uu mudo naadinayay islamarkaasna uu Fagaaraha iyo Warbaahinta ka naadinayay, ma waxay ahayd mid ku xiran inuu Madaxweyne u noqdo dalka?

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Nairobi

Caasimada@live.com