Dacwadda Gen. Maxamed Cali Samatar oo war cusub uu ka soo kordhay

Virginia (Caasimada Online) Sida ay qortay shalay wakaalada wararka AP, Maxkamadda ugu sarreysa dalka Mareykanka ayaa ku gacan seertay racfaan ah uga yimid ra’iisul wasaarihii hore ee Somalia, ahaana wasiirkii gaashaandhiga Gen. Max’ed Cali Samatar, oo lagu amray in uu bixiyo lacag $21 million oo la siinaayo dhibanayaal sheegay in jirdil iyo xadgudubyo kale oo loo geystay sanadihii siddeetameeyadii.

Waaxda caddalladda ma sheegin wax faah-faahin ah oo ku aadan dacwadda Gen Samatar, oo hadda ku nool Virginia Washington kana mid ahaa saraakiisha sar sare ee dowladdii AUN Maxamed Siyaad Barre intii u dhexeysay sannadihii 1980-kii ilaa billowgii 1990-kii.

Gen. Samatar, oo hadda 75-jir ah, ayaa waxaa dacwad ku heesta shan nin oo Soomaali ah kuwaasoo leh wuxuu kaalin ku lahaa dhibaatadii ay ciidankii dowladdii Maxamed Siyad Barre ka geysteen waqooyiga Somalia, sanadkii 1988-dii, maadaama uu yahay sarkaalka ugu sarreeya ee nool, ee hadda lala xisaabtami karo.

Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa la filayaa inay go’aan kama dambeys ah kasoo saari doonta .

Qareennada difaacaya Gen. Samatar, ayaa ku doodDaya in generalka aan dacwad lagu soo oogi karin, maadaama uu yahay masuul sare oo ka tirsanaa dowlad madax-bannaan oo uu Mareykanku aqoosanaa, isla markaana uu jiro sharci mamnuucaya in masuuliyiinta dalalka ajnabiga ah la dacweeyo.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Minneapolis

Caasimada@live.com