Jahwareer ka taagan wariye Sacudi u dhashay oo Muqdisho loo tarxiilay

Muqdisho (Caasimada Online) Wargeysyada ka soo baxa dalka Sacuudiga ayaa toddobaadkan qoray warbixin ku saabsan wariye u dhashay dalkaas oo loo musaafuriyay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Wariyahan oo lagu magacaabo Cumar Cismaan Yuusuf ayaa hadda ku sugan mid ka mid ah Hotelada ku yaalla Muqdisho.

Wariyaha Sacuudiyaan iyo madaxa SIMHA
Wariyaha Sacuudiyaan iyo madaxa SIMHA Xasan Geeseey

Wariyahan ayaa la sheegay inta aan la soo tarxiilin in uu muddo seddax bil ah,ku xirnaa xabsi ku yaalla bariga Sacuudiga.

Waxaa la sheegay in uu wax ka qori jiray arrimaha dhallinyarada iyo xuquuqd aadanaha, waxaa la sheegay in uu markii horre ku soo galay dalka sharci daro, oo ka mid ah tiro tahriibayaal ah, balse wuxuu ku andoocanayaa in uu ku dhashay dalka Sacuudiga isla markaana uu heesto dhalashada dalkaa.

Wariyahan ayaa inta aan la xirin loo sheegay in uu yimaado xarunta socdaalka, dabadeedna xabsiga ayaa loo taxaabay.

Dowladda Soomaaliya ilaa hadda kama hadlin ninkan Asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya balse heesta dhalashada dalka Sacuudiga sababta loogu soo masaafuriyay magaalada Muqdisho.

Dhawaan, ayaa guddiga arrimaha dibadda ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay sheegeen Soomaali badan oo laga soo tarxiilay waddanka Sacuudiga tan iyo bishii December ee sanadkii la soo dhaafay.

Dowladda Sacuudiga ayaa sanadkii la soo dhaafay soo rogtay amar ah in waddankeeda laga saaro dadka sida sharci darrada ah ku jooga waddankaasi.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com