BF oo cod u qaadaya mooshin ka dhan ah wasiiradii hore iyo xog la xiriirta

Muqdisho (Caasimada Online) Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, ayaa maanta oo Talaado cod u qaadi doona mooshin laga keenay in xukuumadda cusub ee lasoo dhisayo aan lagu soo darin wasiiradii ka tirsanaa xukuumadda Saacid.

Mooshinkan oo ay soo gudbiyeen xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka ayaa maalintii Axada laga doodday, waxaana xildhibaannada ay u muuqdeen kuwa diiddan in la soo celiyo wasiiradii horre ee Saacid.

Ma cadda sidda ay wax noqon karaan, balse waxaa tan iyo markii mooshinka loo gudbiyay guddoonka baarlamaanka, socday kulamo xiriir ah oo ka dhacay Villa Somalia.

Kulamadan waxaa hormuud u ahaa madaxweyne Xasan Sheekh oo doonaya in la soo celiyo qaar ka mid wasiiradii horre gaar ahaan Dam-Jadiid.

Xildhibaannada waxaa la sheegay in qaar badan ay ka soo dabceen mowqifkoodii ahaa in aanaye la soo celin wasiiradii horre.

Dadweynaha magaalada Muqdisho ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay arrintan, waxaana ay aamisan yihiin badankood markii haddii la dhahay xukuumadii Saacid waa fashilantay, maxaa keenay in la soo celiyo qaar ka mid ah wasiiradii ku jiray.

La soco waxaa goordhow ka billaaban doona xarunta golaha shacabka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com