GENERAL GALAAL HALA WEYDIIYO?!!!!

Waxaa waayadaan dambaba buuq iyo is qabqabsi ka taagnaa soo xulida Wasiirada ka mid noqonayo xukuumada cusub ee laga dhur sugayo in dhawaan uu ku dhawaaqo RW Cabdi Weli Shiik.

Fowdada iyo is bar baryaaca ka jiro dalka ee uu sababay Burburkii iyo dowlad la,aantii mudada dheer lagu soo jiray waxeey sabab u noqotay in dowladnimadii Somalia loo rogay mid salka ku haysa daneeysi ku dhisan Hunguri iyo Qabyaalad taa oo kaliftay in aanba la eegin maslaxada dalka iyo dadka toona.

Kadib markii ay meesha ka baxday Xukuumadii Hore ee uu Hogaaminayay Rw Saacid lana Magacaabay Rw Cabdi weli Shiikh waxaa weli xaniban oo mudo dheer laga dhur sugayaa Golihii wasiirada ee uu soo magacaabi lahaa Rw ha taa oo eey hortaaganyihiin caqabado badan oo is biirsaday oo ujeedooyin badan xambaarsan.

Mid ka mid ah caqabadahaas waxeey u muuqataa in uu si toos ah u abuuray Rw Cabdi Weli Shiikh Hoowsha oo ku cusub oo uu doonayo in uu cid walbaa qanciyo amaba qibrad yari haloo cuskadee wuxuu ka dhawaajiyay in shaqsigii doonayo Wasiir amaba xil kale in loo magacaabyo uu waraaq ogolaansho ah kala yimaado Odayaasha beeshiisa iyo xildhibaanadiisa taa oo la is dhihi karo waxeey soo cusbooneeysiiyay cudur waa hore laga bogsaday Masuulka xil qaran ka qabanayo dowlada waa in uusan noqon mid eey soo dirsatay beeshiisa sida Madaxweynaha Gudoomiyaha Barlamaanka iyo Rw haba eeysan wakiil uga aheen beelahooda waloow eey beelo ka soo wada jeedaan dhamaantood beelaha in eey ku heshiiyaan wasiir amaba xil kaloo ka sareeyo iskaba daayee waxeeysan ku heshiineen Agaasime waaxeed beeshii iska soo dhax magacaaw la yiraahda waa dagaal dhaxdeeda laga iclaamiyay.

Dhanka kale waxaa jira Xeeyn xildhibaano ah oo ku dhax jira baarlamaanka mudo aan sidaa usii fogeeyn Mooshinkii hungoobay ka keenay Xukuumadii Saacid oo uu Hormuud ka yahay Cali Khaliif Galeeyr iyo xirtiisa kadibna is rogay markii dambe oo la isku waafaqay in uu meesha ka baxo RW Saacid iskana dhigay rag asaga difaacayo Labadii jeer Dibir xun baa ka raacday hankoodi dhicisoobay Kooxdii ayaa hadana waxeey fursad kale oo isbaaro eey ku dhigan karaan u arkeen in eey is hortaag ku sameeyay shaqadii RW Cabdi Weli ayagoo isku dayaya in eey talo ku yeeshaan xukuumada uu soo dhisayo Rw ha taa oo meel eey dastuurka kaga taal eeysan jirin in Xildhibaanada eey u meeriyaan RW qaranka shaqada xildhibaanka waa in markii RW uu hoowshiisa soo dhameeysto uu hor keena Golaha Baarlamaanka kalsoonina usoo weeydiiya xukuumada uu soo dhiso.

Sidoo kale waxaa jiro qabqablayaal ku soo fashilmay siyaasadda dalka kuna soo wareeray marar badan shaararka soo badbadashay ilaa eey badda la soo caariday, General Galaal HALA WEEYDIIYO 2006 markii qamiis aanu ku socod baran iyo cimaamad inta uu xirtay uu lahaa ciidanka Maxkamadaha ayaan hogaaminayaa tii la ogaana eey dhacday Ciidankii Maxkamadaha ma waanay aheeyn ururo Diimeed mise asaga ayaa ciidan qaran ugu Wanqalay?

Generaal Galaal HALA WEEYDIIYO 2010 markii uu ka dagay Guriceeyl ee uu lahaa waxaan tababarayaa ciidankii Ahllu sunna kadibna laga hor yimid mudo kadibna uu isaga soo laabtay Ahllu sunna ma waanay ka mid aheeyn ururo Diimeedyada ka jiro dalka mise asaga ayaa ciidan qaran ugu wanqalay ?

Generaal Galaal HALA WEEYDIIYO Wasiirkii hore ee Arimaha Gudaha ee xukuumadii Farmaajo Allaha u naxariistee Cabdi Shakuur Shiikh Xasan Faarax Kulliyada ciidan ee uu ka soo baxay iyo darajadiisii ciidan mise wuxuu ahaa Ganacsade.

Generaal Galaal HALA WEEYDIIYO Wasiirkii Hore ee Arimaha Gudaha Xukuumadii Gaas Cabdisamad Macalim Maxamuud Adeerna u ahaa Wasiirkii hore ee geeriyooday kulliyada Ciidan ee uu ka soo baxay iyo Darajadiisa Ciidan FALAAR KUGU SOO LAABANEEYSO WALIGAA HA GANIN.

W/Q: Yaasiin Diirshe

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan wax xiriir ahna lama lahan tan Caasimada Online